Gabiley (Dawan)- Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Gabiley Dr. Axmed Maxamuud Xasan, ayaa kulan la yeeshayย masuuliyiinta xarumaha Caafimaadka Gobolka, gaar ahaan Cisbitaallada Degmooyinka Wajaale, Arabsiyo iyo Cisbitaalka guud ee Gabiley.
Kulankan oo ka dhacay xafiiska Isuduwaha, ayaa waxa uu kaga xog-waraystay heerka adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan Cisbitaaladaasi iyo baahiyaha ka jira.
Shirka Waxa ka soo qayb galay, Agaasimaha cusbitaalka guud ee gabilay Dr ixsaaq sucuudi, Agaasimaha Cisbitaalka Qaaxada Dr Mustafe, Agaasimaha Cisbitaalka dhimirka Dr..Shucayb, Agaasimaha Cisbitaalka Arabsiyo Dr Omar iyo Agaasimaha Cisbitaalka Wajaale Dr. Guuleed.
Masuuliyiintan ayaa uga warbixiyey Isuduwaha adeegyada kala duwan ee ay Cisbitaaladu bixiyaan, isla markaana ay siiyaan dadka bukaan socodka ah.