Wasaarada Arimaha Gudaha oo Amar ka soo Saartay Dadka Ajanabiga dalka ku Sugan

0
112

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa amar ka soo saaray dadka Ajaaniibta ah ee ku sugan gudaha dalka Somaliland, isla markaana aan haysan wax sharci ah oo ay ku joogaan dalka.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxmed Carab ayaa waxa lagu amray in muddo saddex cisho, gudahood ah ay dalka kaga baxaan dadka ajaanibta ah ee ku sugan dalka ee aan haysan sharciga.

Warsaxaafadeedkaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xarunta wargeyska Dawan, waxa uu u dhignaa isaga oo dhammaystiran sidan:- โ€œUjeedo:- Wax ka qabasho degdega.

Amar ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL taasi oo hogaaminaysa gudida amniga qaranka kana masuula nabad galyada dalka.

Sidaasi darteed waxa la farayaa dhammaan masuuliyiinta kor ku xusan in ay wasaaradda Arimaha Guduha iy Amnigu goโ€™aaminsay in muddo saddex cisho gudahood ah ay dalka kaga baxaan dadka ajaanibta ah ee aan haysan sharciga dalka JSL. Mudadaasi oo ka bilaabmaysa 30/04/2025-/02/05/2025.โ€