Boorama (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Mudane Eng Axmed Jaamac Barre ayaa ka daah-furay deegaanka Shirwac ee gobolka Awdal mashruuc tijaabo ah, kaasi oo lagu midaynayo xooga garab-raratada qoda macdanta si looga faa’iidaysto kartidooda waxaanu yidhi
Waxanau yidhi. “Ujeedada aynu halka u joognaa waa dib-u-habaynta garab-raratada macdan qodayaasha deegaanka Shirwac oo hoos yimaada gobolka Awdal”.
Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Mudane Eng Axmed Jaamac Barre ayaa si qoto-dheer uga waramay ujeedka kulanka dib u habaynta garab-raratadda macdanta oo uu xusay in maxsuulka ka soo baxa looga faa’iidaysan doono dhamaan gobollada dalka oo dhan.
Waxaanu yidhi “Waxaanu halka ka daah-furaynaa mashruuc tijaabo ah in aynu ku habayno macdan qodayaasha wadanka oo dhan, waxaanu rajaynaynaa inuu guulaysan doono, kagagma tagayno sidan laakiin macnaheedu waxa weeye halkan waxa laga barto in dhamaan gobollada oo dhan aanu ku isticmaali doono inay ka faa’iidaystaan”.
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland ayaa sidoo kale sheegay inay kor-u-qaadayaan aqoonta garab-raratada qoda macdanta isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaa xoogooda iyo kartidooda qodista macdanta.
Waxaanu yidhi.“Maaha macdan qodayaashani inay Somaliland oo kaliya ka jiraan balse dunida oo dhan way ka jiraan, wadan aanay ka jirin ma jirto qaab ayaana looga faa’iidaystaa, loona isticmaalaa, markaa anaga oo aan dadka dhibayn, dadka tababarayna, wacyigooda kordhinayna, aqoontooda kordhinayna, qalabka ay haystaan kordhinayna in aynu inaguna ka faa’iidaysano kheyraadka ay soo saarayaan iayaguna ka faa’iidaystaan.
Gaba-gabadii wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Eng Axmed Jaamac Barre ayaa tilmaamay inay ka wasaarad ahaan qiimayn ku samaynayaan tacabka ka baxa dadka qodaya macdanta iyo waxa ay soo saarayaan sida ay isku saameeyaan waxaanu yidh
Waxaanu yidhi.“Waa in aynu midayno xooga dadka soo saaraya macdanta, dawladu siyaasad guud bay ka leedahay in aynu dahabka soo saarano inuu macno yeesho oo si caqli ku jiro aynu u soo saarno oo aan deeganka dhibayn dadkan dhibayn, ummadda ilaa dawladana wax u taraya.
Midina waa wacyigalin oo ummadda halkan joogta inay wacyigalin helaan oo wacyiogooda kor loo qaado iyo in aynu qiimo u yeelno waxa aynu soo saarayno, Dahab baynu soo saarnaa maalin oo dhan waad qodaan wax waad soo saartaan, balse waxa aad galinaysaan iyo waxa aad soo saaraysaan ma is le’eg yihiin, in labadaasi la is waafajinana halkan ayaanu u nimi”.