Somaliland: Xaqiiqada Ka Soo Iftiimaysa Dunida

0
120

Falanqeyn Ku Salaysan Waraysigii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee la yeellatay The Daily Euro Time.

 

 

Qoray Daahir Cabdi Ciise (Camey)

Muddooyinkii u dambeeyey, waxay si xawli ah u soo xoogaysanayeen dedaallada diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Masuuliyiin ay ugu horreeyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Aadan, ayaa si xilkasnimo leh u hagaya arrimahaas.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey .The Daily Euro Times, Wasiirku wuxuu si cad ugu iftiimiyey xaqiiqooyin muhiim ah oo muujinaya halka ay Somaliland ka joogto dowladnimo, nabadgelyo, iyo geesinimo siyaasadeed — sifooyin ay dunidu maanta aad ugu baahan tahay.

Somaliland: Xorriyad Taariikhi ah iyo Geesinimo Lagu Gaadhay Madax-bannaanin

Wasiir Cabdiraxmaan wuxuu si cad u sheegay in Somaliland aanay ahayn maamul maantay is-bidhaansaday, balse ay tahay dal xorriyaddiisa qaatay 26-kii Juun 1960-kii.

Isku-tagii Soomaaliya iyo kala-tegii xigay wuxuu sababay dulmi, xasuuq, iyo ku tumasho xuquuqda shacabka Somaliland, taasoo keentay in shacabkeenu si geesinimo leh oo dimuqraadi ah dib ugu soo ceshadaan madax-bannaanidooda.

Siyaasadda Dibadda: Go’aan Madaxbannaani Ku Dhisan

Wasiirku wuxuu si cad u muujiyey in Somaliland qaadatay siyaasad madax-bannaan oo aanay ku tiirsanayn cid dano gaar ah leh.

Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan wuxuu tusaale u yahay iskaashi ku dhisan is-ixtiraam iyo dan-wadaag togan, iyada oo laga fogaaday khilaafaadyo iyo is-dhexgal colaadeed oo gobolka ka aloosan.

(Su’aal:)

Gus Anderson (Tafatiraha Guud): Somaliland iyo Taiwan waxay 2020-kii bilaabeen xidhiidh rasmi ah oo ay isu fureen xafiisyo. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa la filayaa inuu booqasho rasmi ah ku yimaaddo Hargeysa si looga wada hadlo iskaashi badeed. Miyuu iskaashigaasi noqon doonaa mid milatari?

Jawaab:

Wasiir Cabdiraxmaan Aadan:* Xidhiidhkayaga Taiwan waxa saldhig u ah ixtiraam labada dhinac, qiyamka dimuqraadiyadeed iyo horumar nabadeed. Iskaashigeennu waxa uu diiradda saarayaa ammaanka ganacsiga, la dagaallanka burcad-badeedda, iyo horumarinta kaabayaasha dekedaha — ma aha hub urursi. Gobolka Geeska Afrika wuxuu u baahan yahay xasillooni, ma aha loollan milatari oo cusub.

Jawaabta

Somaliland Ee Beijing Iyo Bariga Sool.

Iyadoo ay muuqato in Shiinuhu si dadban u taageerayo kooxaha nabad-diidka ah ee Bariga Sool, Wasiir Cabdiraxmaan wuxuu si cad u sheegay in Somaliland aanay diyaar u ahayn inay iibiso madax-bannaanideeda, xitaa haddii maalgashi la hor dhigo.

Su’aal:)

Anderson (Tafatiraha Guud):Waxa muuqata in Shiinuhu si dadban u taageerayo kooxaha Bariga Sool. Miyaad ka walaacsan tihiin xidhiidhka aad la leedihiin Taiwan?”

Jawaab:

Wasiir Cabdiraxmaan Aadan: Annaga si fiican ayaan ugu baraarugsannahay xeeladaha juqraafi-siyaasadeed ee Shiinaha. Somaliland weligeed ma iibin suvereniyadeeda si ay u hesho maalgelin degdeg ah. Duruufaha aqoonsiga Somaliland waxa saldhig u ah taariikh, maamul dimuqraadi ah, iyo xasillooni; mana oggolaanayno in la na gacan bidixeeyo.

Fariinta Somaliland U Dirtay Maraykanka

Wasiirku wuxuu si qoto dheer ugu gudbiyey siyaasiyiinta Maraykanka — gaar ahaan kuwa xisbiga Jamhuuriga (GOP) — fariin cad oo ah in Somaliland tahay xalka Geeska Afrika: waddan madax-bannaan, nabad ah, dimuqraadi ah, oo aan weligiis taageero dibadeed helin, haddana dhistay dowlad u adeegta dadkeeda.

Su’aal:)

Gus Anderson:”Waxaad dhawaan booqatay Washington D.C. oo aad la kulantay xildhibaano Jamhuuri ah. Waa maxay fariinta aad u gudbisay?

Jawaab:

Wasiir Cabdiraxmaan Aadan: Waxaan si cad ugu sheegnay saaxiibadayada Washington in Somaliland qabatay shaqooyin badan oo dalalka aqoonsiga haysta ay ku guuldaraysteen, sida sugida ammaanka gudaha, doorashooyin xor ah, iyo horumarinta kaabayaasha, iyadoo aan taageero dibadeed haysan. Waxaan si toos ah u nidhi: Haddii Maraykanku doonayo xasillooni Geeska Afrika, waa inuu la hadlaa Somaliland.

Difaaca Berbera: Berbera Waa Somaliland

Markii dawladda Muqdisho isku dayday inay Maraykanka ku wareejiso Berbera, Wasiirku wuxuu si geesinimo leh u xusay in Berbera ay tahay qayb aan kala go’ lahayn oo ka mid ah Somaliland.

Su’aal:)

Gus Anderson: Sideed u aragtaa waraaqda ka soo baxday Muqdisho oo Maraykanka lagu siinayo dekedaha iyo saldhigyada hawada ee Somaliland?”

Jawaab:

Wasiir Cabdiraxmaan Aadan: Waraaqdaasi waxay ahayd mid warbaahinta loo dhigay, wax jawaab rasmi ahna kama helin Maraykanku. Dekedda Berbera waxa si buuxda u maamula Somaliland. Wada-xaajood kasta oo arrintaasi khuseeya waa in lala yimaado Hargeysa.

Nabadda Somaliland: Jasiirad Ammaan Ku Taagan

Iyadoo Geeska Afrika uu la daalaa dhacayo burbur iyo argagixiso, Somaliland waxay u taagan tahay jasiirad ammaan iyo xasillooni.

Ciidamada Somaliland waa kuwa ka dhashay dadkooda, lehna wacyi qaranimo oo sareeya, taas oo suurto gelisay in dalku si nabad ah u sii jiro ilaa maanta.

Aragtida Somaliland Ee Qaxoontiga Gaza

Markii ay soo baxday in Somaliland la waydiistay inay qaadato qaxooti Gaza ka yimid, Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuu si cad u sheegay in Somaliland ilaalinayso madax-bannaanideeda go’aan qaadasho.

Su’aal)

Gus Anderson: Trump wuxuu lahaa qorshe lagu dejinayo qaxootiga Gaza meelaha sida Somaliland. Sidee bay Somaliland u aragtaa arrintaas?”

Jawaab:

Wasiir Cabdiraxmaan Aadan: “Aqoonsigu ma aha mid lagu gorgortamo ama lagu beddesho qaxooti. Somaliland mar walba diyaar bay u tahay wada-hadal ku saabsan nabad iyo iskaashi, balse ma oggolaanayso in masiirkeeda loo adeegsado sidii alaab la kala iibsado.”

Mustaqbalka: Iskaashi Ku Dhisan Ixtiraam Iyo Madaxbannaani.

Somaliland waxay caddeysay inay diyaar u tahay la shaqaynta cid kasta oo dano dhaqaale, amni, iyo horumar leh — balse aanay marnaba aqbalayn wax kasta oo dhaawacaya madax-bannaanideeda.

Gunaanad:

Wuxuu markhaati u yahay in Jamhuuriyadda Somaliland istaagtay meel ka fog caadadii burburka ee Geeska Afrika, kuna tallaabsatay dowladnimo, nabad, iyo madax-bannaani la isku wada qirsan yahay.

Waraysigii Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuu noqday cod dheer oo dunida u sheegay in Somaliland mudan tahay in la ixtiraamo, la aqoonsado, lana garab istaago. Somaliland ma sugeyso aqoonsi; Somaliland waxay dhisaysaa xaqiiq dhab ah oo aan ku saleynnay taariikh, geesinimo, iyo karti. Daahir Cabdi Ciise

Daahircamey@gmail.com