Ugu yaraan 68 tahriibayaal Afrikaan ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Maraykanku uu ku qaaday xarun lagu hayo dadka tahriibayaasha ah ee Yemen, sida uu sheegtay TV-ga kooxda hubaysan ee Xuutiyiinta.
Al Masirah ayaa sheegay in 47 kale oo tahriibayaal ah ay ku dhaawacmeen oo intooda badan ay aad u liidato markii la duqeeyay xarunta gobolka Sacda. Waxay soo bandhigtay muuqaalo muujinaya maydad badan oo ku daboolan burburka dhismo burburay.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ciidamada Maraykanka.
Balse waxay timid saacado kadib markii taliska dhexe ee Maraykanka uu ku dhawaaqay in ciidamadooda ay duqeeyeen in ka badan 800 oo bartilmaameed tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu amray in la xoojiyo ololaha cirka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta 15-kii March.
Waxa ay sheegtay in duqeymahaasi ay “ku dileen boqolaal ka tirsan dagaalyahannada Xuutiyiinta iyo tiro badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta”, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo kormeerayay barnaamijyada gantaallada iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.
Maamulka Xuutiyiinta ayaa sheegay in duqeymahaasi ay ku dileen tobaneeyo qof oo rayid ah, balse waxa ay sheegeen in ay yar yihiin khasaaraha soo gaadhay xubnaha kooxda.
Xarunta lagu hayo muhaajiriinta ee Sacda ayaa lagu soo waramayaa in lagu hayo 115 Afrikaan ah markii la garaacay afar jeer wax yar ka hor 05:00 xilliga maxalliga ah (02:00 GMT) Isniintii, sida uu sheegay Al Masirah.
Warbixinnada khasaaraha markiiba lama xaqiijin karo, laakiin muuqaallada Al Masirah ayaa muujinayay dadka dhaawac ah iyo maydadka ugu yaraan darsin ah oo ku jira qaybo shub ah oo burburay oo ku yaallay dabaqa dhismo weyn oo qayb ahaan burburay oo aan lahayn saqaf.
Hal nin oo dhaawac ah ayaa la maqlayay isaga oo ku dhawaaqaya “Hooyaday” isaga oo ku hadlaya afka Amxaariga oo ah luqadda rasmiga ah ee Itoobiya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xuutiyiinta ay maamulaan ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeedhay “qarxinta ula kac ah” ee xarunta oo ay sheegtay in ay ka dhigan tahay “dambi dagaal”.
Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay wararka sheegaya khasaarihii naxdinta lahaa ee ka dhacay magaalada Sacda.
“In kasta oo IOM aanay ka howlgalin xaruntan, waxaa naga go’an inaan si dhow ula soconno xaaladda, waxaanan diyaar u nahay inaan bixinno taageero haddii loo baahdo,” ayay raacisay.
“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay mudnaanta siiyaan ilaalinta dadka rayidka ah, ayna xaqiijiyaan ixtiraamka buuxa ee shuruucda caalamiga ah.”
Sannadkii 2022, ugu yaraan 66 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay dhinteen markii isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee taageeraya dawladda Yemen ay weerar ku qaadeen xabsi wax ka yar 100m (330ft) u jirta halka uu ka dhacay weerarka hadda.
Al Masirah ayaa sidoo kale sheegay in 8 qof oo kale lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay diyaaradaha Maraykanka xalay ka fuliyeen magaalada Sanca ee xarunta ay maamulaan Xuutiyiinta.
Bayaanka ay soo saartay Centcom galinkii dambe ee Axadii ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu “si ula kac ah u xaddiday muujinta faahfaahinta howlgalladayada socda ama mustaqbalka” si aan u “ilaalinno ammaanka hawlgalka”.
In kasta oo burburka iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka jira Yemen ay sababeen colaadda 11-ka sano ah, haddana waxa weli dalkaasi ku soo qulqulaya tahriibayaal doonyo ka soo raacaya Geeska Afrika, kuwaas oo ay sabab u tahay xasillooni darro siyaasadeed iyo mid dhaqaale, abaaro iyo xaalado kale oo cimilo xumo oo dalalkooda ka jira.
Inta badan dadkaasi ayaa damacsan inay u sii gudbaan dalka ay jaarka yihiin ee Sacuudiga si ay shaqo uga helaan. Taa beddelkeeda, waxay la kulmaan dhiig-miirasho, xadhig, rabshado, iyo safarro khatar ah oo ay ku maraan aagagga colaadeed ee firfircoon, sida ay sheegtay IOM.
Sannadka 2024 oo keliya, ayay tidhi, ku dhawaad 60,900 oo muhaajiriin ah ayaa dalka yimid, inta badanna ma haystaan badbaado. Dadkaas oo u badan Itoobiyaan iyo Soomaali.
Kumanaan muhaajiriin ah ayaa loo maleynayaa in lagu hayo xarumaha lagu hayo sida Sacda, laakiin ma jirto tirokoob rasmi ah oo ka soo baxay maamulka ay Xuutiyiinta maamulaan. Kooxaha xuquuqda ayaa sheegaya in maxaabiista ay la kulmaan xaalado aad u daran, oo ay ku jiraan ciriiri, xad-gudub iyo nadaafad darro.