Kuuriyada Waqooyi oo ugu danbayntii xaqiijisay in ay ciidan u dirtay Ruushka

0
146

Kuuriyada Waqooyi ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay inay ciidamadeeda u dirtay Ruushka si ay u taageeraan dagaalka Moscow ee ka dhanka ah Ukraine, waxaana ay sheegtay in ciidamadeedu ay gacan ka geysteen dib ugula wareegida dhulka Ruushka ee ay ciidamada Ukraine haysteen gaaar ahaan ​​gobolka Kursk.

War qoraal ah oo ay siisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee (KCNA) Isniintii, guddiga dhexe ee milatariga ee xisbiga talada haya ee shaqaalaha ayaa sheegay in hogaamiyaha dalkaas, Kim Jong Un, uu u diray ciidamo ka barbar dagaallama ciidamada Ruushka, taas oo qayb ka ah heshiiska is-difaaca ah ee u dhexeeya Moscow iyo Pyongyang.

KCNA ayaa ka soo xigatay Kim isaga oo sheegay in askar loo diray si ay “dabar goyso oo ay u tirtiraan gumeystayaashii Neo-Naziga ee Yukreeniyaan ayna xoreeyeen aagga Kursk iyaga oo kaashanaya ciidamada qalabka sida ee Ruushka”.

“Kuwa u dagaalamay cadaalada dhamaantood waa geesiyaal iyo wakiilo ka socda sharafta dalka hooyo,” KCNA ayaa ka soo xigatay Kim.

Kuuriyada Waqooyi “waxay u tixgalinaysaa sharaf inay isbahaysi la yeelato dawlad awood leh sida Federaalka Ruushka”, ayay tiri KCNA.

Ka dib xaqiijinta Pyongyang, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu muujiyay mahadnaq shakhsi ahaaneed iyo mahadnaqa Kim, isaga oo sheegay in “saaxiibada Kuuriya” ee dalkiisa ay u dhaqmeen “dareen wadajir, caddaalad iyo saaxiibnimo dhab ah”.

Putin iyo Kim waxay saxiixdeen heshiis istiraatijiyadeed oo dhammaystiran bishii Juun ee sannadkii hore.

Afhayeenka Putin ayaa markii dambe sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay inuu taageero milateri siiyo Kuuriyada Waqooyi.

“Waxaan leenahay heshiis dhaqan gal ah, oo sida uu dhigayo heshiiskan dhinacyadu, dhab ahaantii, waxay sameeyeen inay si degdeg ah isu caawiyaan haddii loo baahdo,” Dmitry Peskov ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee dawladda ee RIA Novosti.

Kim waxa uu sheegay in dhawaan Pyongyang laga dhisi doono taallo lagu maamuusayo dadkii la dagaalamay Ukraine.

“Ubax ayaa la dhigay qubuuraha askartii dimatay, iyada oo si wax ku ool ah loo aqoonsanayo ciidamada lagu dilay dagaalka,” Kim ayaa sidaas yidhi sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay horaantii sanadkan in ilaa 14,000 oo Kuuriyada Waqooyi ah la geeyay ciidamadooda, oo ay ku jiraan 3,000 oo xoojin ah kuwaas oo loo diray inay bedelaan kuwa khasaaraha ka soo gaadhay dagaalka Waqooyiga Kuuriya .

Kuuriyada Waqooyi ayaa wakhtigii hore dagaalka kala kulmay khasaare lixaad leh, balse si degdeg ah ayay ula qabsadeen, sida ay wararku sheegayaan, waxaanay markii dambe gacan ka geysteen dib u soo celinta gobolka Kursk ee Ruushka oo qabsaday ciidammada Ukraine.

Qiyaasta heerka khasaaraha ee ciidamada Kuuriyada Waqooyi ee u dagaallamaya Ruushka ayaa aad u kala duwanaa.

Hay’adda sirdoonka qaranka Kuuriyada Koonfureed ee (NIS) ayaa sheegtay bishii Janaayo in ilaa 300 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah lagu dilay dagaalka halka 2,700 oo kalena lagu dhaawacay.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku sheegay tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay Kuuriyada Waqooyi inay gaarayaan 4,000 oo qof, halka Mareykanka uu ku qiyaasay tiro ka yar 1,200 oo dhaawac ah.

Hadalka Kuuriyada Waqooyi ayaa daba socda madaxa shaqaalaha ee Ruushka, Valery Gerasimov, Sabtidii, isaga oo ammaanay “halyeynimada” askarta Kuuriyada Waqooyi, oo uu sheegay “in ay siiyeen kaalmo muhiim ah si ay uga adkaadaan kooxda ciidamada qalabka sida ee Ukraine”, isagoo u sheegay Putin in Kursk laga soo celiyay ciidamada Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay fiidnimadii Axadda ku sheegtay in Kuuriyada Waqooyi iyo dalalka kale ee “saddexaad” ay “sii wadaan” dagaalka uu Ruushka ku hayo Ukraine, waana in la soo afjaraa, si la mid ah taageerada Moscow ee Pyongyang.