Warqad uu qoray nin rakaabkii Titanic ka mid ahaa maalmo ka hor inta uusan markabka quusin ayaa lagu iibiyay lacag rikoor cusub ah oo gaareysa £300,000 oo u dhiganta ($400,000) taas oo lagu xaraashay gudaha UK.
Warqadda Kornayl Archibald Gracie waxaa iibsaday qof magaciisa la qariyay oo ka iibsaday guriga xaraashka ee Henry Aldridge and Son oo ku yaal Wiltshire Axaddii, iyada oo qiimahan shan jeer ka badan yahay £60,000 oo la filayay in lagu iibsado.
Warqadda ayaa ku taariikhaysan 10-kii Abriil 1912-kii, waana maalintii uu markabka Titanic ka raacay Southampton, shan maalmood ka horna waa uu degay markabka ka dib markii uu ku dhacay baraf, Waqooyiga Atlantic.
Col Gracie wuxuu ka mid ahaa ilaa 2,200 oo rakaab ah iyo shaqaalihii la socday markabka Titanic oo ku sii jeeday New York. Iyada oo in ka badan 1,500 ay ku dhinteen musiibada.
Isaga oo qeybta VIP-da fadhiyay, ayuu warqadda ka soo qoray cabin C51. Waxaa la daabacay markii markabku ku soo xidhay Queenstown, Ireland, 11kii Abriil 1912. Sidoo kale waxaa la geeyay London 12-kii Abriil.
Qof dillaal ka ahaa xaraashka ayaa sheegay in warqaddu ay soo jiidatay qiimaha ugu sarreeya ee warqad kasta oo laga qoro markabka Titanic.
Sida uu Col Gracie soo tebiyay degitaanka markabka ayaa ka mid ah kuwa ugu caansan ee lagu xusuusto.
Ka dib waxa uu qoray buugga The Truth About the Titanic, isaga oo dib u xasuusanaya waayo-aragnimadii uu u lahaa deitaankii markabka.
Waxa uu ka sheekeeyay sida uu uga badbaaday isaga oo ku booday dooni badbaado oo Markabka saaraa wuxuu ku booday biyaha barafoobay.
In ka badan kala badh raggii markii hore gaadhay doonta badbaadada waxay u dhinteen daal ama qabow, sida uu xusay.
In kasta oo Col Gracie uu ka badbaaday musiibada, haddana xaaladdiisa caafimaad waxaa aad u saameeyay xaaladda hypothermia iyo dhaawacyo jireed oo soo gaadhay.
Waxa uu koomo galay 2-dii Diseembar 1912-kii, waxaana uu u dhintay dhibaatooyin ka dhashay cudurka macaanka laba maalmood ka dib.