Madaxweynaha oo ku dhawaaqey in mashaariic Horumarineed laga fulin doono Ceel Afweyn kuwaasi oo dhidibada loogu aasayo nabadda
Qore Khadar M. Xaashi
Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in laba mashruuc oo waaweyn laga fulin doono degmada Ceel Afweyn, si nabadgelyada dhidibada loogu aaso, waxaanu uu hoosta ka xariiqey in mashruuca kowaad uu ka fulin doono madaxweyne ku xigeenku, halka mashruuca labaadna uu ka fulin doono isagu, kaas oo ah Machadka farsamada gacanta, isla markaana qorshuhu yahay inay ka soo baxaan farsamayaano ka dhex muuqda suuqa farsamada ee Somaliland.
Sidoo kale madaxweyne Cabdiraxmaan waxa uu sheegay inay xoojin doonaan ciidamada iyo hay’addaha amniga si iyaga oo kaashanaya bulsahda u tirtiraan cid kasta oo haysata hub sharci-darro ah. Waxa kale oo uu sheegay madaxweynuhu in Somaliland leedahay rajo kaliya, doonis kaliya iyo mustaqbal kaliya, waxaanu ALLE uga baryay inuu nabadgelyada u adkeeyo.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa uu madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisa ku boggaadiyay guusha ay ka keeneen nabada degmada Ceel Afweyn, waxaanu intaas raaciyay in qorshaha kowaad ee xukuumada wadajir iyo waxqabad uu ahaa sidii loo soo afjarilahaa colaada Ceel Afweyn ee mudada jiitameysay, waxaanu intaas ku daray inuu farey waftiga in aanay ka iman ilaa ay soo xidhan nabada.
Waxaanu yidhi.“Farxadeyda nabada Ceel-Afweyn sababteedu maaha oo kaliya in aan madaxweyne ahaan waxaan dareensanahay waajibka dastuuriga ah ee iga saaran raadinta adkeynta nabadgelyada dadkeyga.
Waxaan ahay muwaadin ku faraxsan nabada iyo walaaltinimada lagu afjarey dhiigi sannadaha badan macnadarrada ugu daadanayay degaanka Ceel Afweyn.
Waxaan boggaadinaya garashada, lexejeclada iyo ehelnimada ay waayeela iyo samataliska bulshadu ugu hagarbaxeen degaanka Ceel Afweyn.
Nebigu SCW waxa uu cadeeyay in nabadeynta iyo heshiisiintu ay ka khayr badan tahay Salaada, Soonka iyo Sadaqada.
Nabada Ceel Afweyn waxay kaw ka ahayd shaqooyinkii mudnaanta kowaad ulahaa xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad, waana sababta iyada oo shaqo badan iyo qabyo badani ee dhinackastoy jirto inaan maalintii kowaad ka bilowney dadaalka nabada Ceel Afweyn iyo Qarameynta ciidamada madaniga ah.
Miisaanka ay hawshaasi lahayd darteed waxaan u igmaney madaxweyne ku xigeenka, Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi, oo hoggaaminaya masuuliyiin miisaanle oo ka kooban masuuliyiinta dowladda iyo madaxda dhaqankaba, waxaana balankayagu ahaa inaanay soo noqonin ilaa labadaasi hawlood ay dhammaadaan, maanta waa ILLAAHEY mahadii hawlahaasi inay si guula inoogu soo dhammaadeen in Ceel Afweyn dadkiisi ay garwaaqsadeen rajada nololeed ee dhulkooda, inay dib u dhisaan kalsoonidii iyo walaaltinimadii, iyo inay kaashadaan horumarinta degaankooda walaalayaal yaynaan sinaba u ogolaan in wixii shalay dhacay ay jaangooyaan waxa aynu maanta noqonayno iyo sida mustaqbalkeenu u keenayo, qabyaaladu waa sababta ugu weyn ee dulmiga, dib u dhaca iyo qaybsanaanta bulshada, taariikhda laguma arag Qaran ay dadkiisu u qaybsan yihiin, qabiil, goboleysi ama aragtiyo kale oo kuwa la mid ah oo guul gaadhey.
Waxaad ka gudubteen mid ka mid ah caqabadihi ugu waa weyna ee lagu marmarsoon karayay dib u dhaca degaankiina, maanta cidda hawshu u taala waa xukuumada Somaliland, waxaaney xukuumadu balanqaadeysa inay kordhiso adeegyada dowladda, iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Ceel Afweyn.
Xukuumadda Wadajir iyo waxqabad waxay ku dhawaaqeysa laba mashruuc oo horumarineed, oo laga fulin doono degmada Ceel Afweyn, si nabada dhibada loogu aaso, mashruuca kowaad waxa ku dhawaaqi doona madaxweyne ku xigeenka mashruuca labaad aniga ku dhawaaqaya waxaanu yahay in Ceel Afweyn laga fuliyo Machadka farsamada gacanta iyo tababarada ee Ceel Afweyn, himiladeydu waa inuu noqdo madal ay ka soo baxaan farsamayaano ka dhex muuqda suuqa farsamada ee Somaliland, waxa kale oo aanu culeys saari doona waxkasta oo culeyskeeni kara, anaga oo xoojin doona ciidamada iyo hay’addaha kala duwan ee ammaanka, si iyaga oo kaashanay bulsahda u tirtiraan cidkasta oo hub sharcidaro ah.
Waxaynu ku faaneyna dhammaanteen in shaqada nabadeynta iyo daminta colaadaha dhexdeena ay tahay mid innagu aynu iska leenahay, oo aanay ergo dibadeed iyo faragelin shisheeye ku jirin, waa nidaam aynu ku soo dhisney Qarankeena oo dunidu innagu majeerato waana dhaqan ay tahay inaynu ilaashano, dunidana aynu uga faa’ideyno, waa aqoon iyo xirfad ubaahan cilmi-baadhis iyo raad-reeb marjac u noqda caruurteena iyo dunidaba.
Waxaan sigaara ugu mahadcelinaya waayeelkii hawsha iyo nabadeynta ka shaqaynayay mudada dheer ee isugu jiray salaadiinta cuqaasha iyo madax-dhaqameedka, waxaan u mahadnaqaya xidhayaasha dadka walaalaha ah ee ku nabday Ceel Afweyn, dhallinyarada, haweenka iyo waxgaradka Ceel Afweyn, waxaan hanbalyaynaya inay maanta bilaabeen bog cusub oo taariikhda ka geli doona Jamhuuriyadda Somaliland.
Qaranka oo dhan waxaa barteen cashar ah in walaaltinimada iyo abtirsiimada Somalilandnimadu wax kasta ka weyn tahay.
Walaalayaal aynu hore u socono, gacmaha isqabsano innaga oo aan qabiil ahayn oo qaran ah, waxaynu leenahay rajo kaliya waxaynu leenahay doonis kaliya, waxaynu leenahay mustaqbal kaliya, Alle hayno xoojiyo nabada iyo midnimada Somaliland ILLAAHEY haka dhigo Qaran cadaalad iyo barwaaqo ku waara”