Bulshada Abaaruhu Saameeyeen ee Gobolka Togdheer oo loo Qaybiyey Deeq Raashina

0
85

 

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta hay’adda u diyaar garawga Aafooyinka iyo kaydka Raashinka Qaranka ayaa Gobalka Togdheer ka qaybiysay Raashin loogu tala galay bulshada abaarahu samayeen ee ku nool gobolkaasi iyo deegaanadda hoos yimaada.

Deegaanada Raashinkaas la gaadhsiiyey ee oo ay ka mid ahaayeen War-cimraan, Dhoobley, Balli-calanle iyo Ceel-dheer oo ka tirsan Deegaanadda hoos yimaada Gobolka Togdheer

Isu-duwaha hay’adda u diyargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka Qaranka Somaliland ee gobolka Togdheer iyo xubno ka mid ahaa Maamulka Deegaanaddaasi ayaa ka waramey deeqdaasi raashin ah iyo sida ay u dabooli doonto baahidii bulshaddaasi ka haysatey, dhinaca Raashinka waxaana raashinka la gaadhsiiyay dad dhan Boqol Qoys oo ka mida dadkii ay abaartu saamaysay.

Qaar ka mida Maamulada degmooyinkaas raashinkaas la gaadhsiiyey ayaa uga mahadceliyey hay’adda Boqor Salmaan iyo Hay’adda u Diyaar Garawga Aafooyinka iyo kaydka Raashinka Qaranka Raashinkaasi kaalmada ah ee ay soo gaadhsiiyeen bulshaddaasi.

Masuuliyiinta Hay’adda u diyaar-garowga iyo keydka Raashinka Qaranka Somaliland ayaa Gobolka Togdheer ka sii wado doonta howlaha Raashin qeybinta ee lagu taakuleynaayo bulshada Abaaruhu saameeyeen.