Markii saaxiibkay ila soo xidhiidhay waxa uu ii sheegay in maanta ay tahay maalintii ugu danbaysay ee shirkadiisa albaabada loo xidhayay ka dib markii ay is bixin weyday. Waxaana saaxiibkay ka mid ahaa kuwa ugu qanisan, isla markaana ugu caansan shirkadaha dalka.
Isla markiiba waxaan ku dhaqaaqay in aan la xidhiidho nin kale oo aan saaxiib ahayn si aan arinka ula socodsiiyo.
Waxase yaab igu noqotay markii aan arinka u sheegay in uu isaguna igu wargeliyay in maanta ay tahay maalintii ugu horaysay ee shirkaddii yarayd ee uu lahaa ay macaash badan hesho oo ay iibsato guri ay ku shaqaysato. Maalintaasi ayaan ogaaday in dunidu ay cajiib tahay oo ay ku jirto isbedel joogto ah. Nidaamka maamul ee wax ku oolka ah ayaa shirkadaha iyo gancasiga horseeda guushooda iyo horuamrkooda.
Noloshu uma dheera si aan wax kasta u tijaabino, mana ah mid gaaban si aan wax kasta u xusuusano. Laakiin waxa ay ku qurux badan tahay haddii aynu u aragno in aanay waxba ahayn oo isku dhibin.