“Waxa nasiib-darro in nafhurnimadii geesiyadii reer Somaliland ee dagaalkii labaad ee Adduunka aan lagu xusin VE Day..”
Hargeysa (Dawan)- Professor Eid Cali Axmed oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo ku nool Wales ayaa ku tilmaamay murugo iyo niyad-jab weyn oo ku saabsan, sida aan weli loo aqoonsan doorkii halyeeynimo ee ay kumannaan reer Somaliland ahi uga qayb qaateen dagaalkii labaad ee adduunka, iyaga oo ka barbar dagaalamayey ciidamada Ingiriiska si loo jebiyo xulafadii Nazi-ga iyo Talyaaniga faashistaha ahaa.
Professor Eid Cali Axmed waxa uu sheegay in ay tahay ceeb iyo wax laga xumaado in xuska maalintii guusha Yurub ee dagaalkii labaad ee adduunka (80 guurada VE Day) aan lagu xusin halyeyadii iyo geesiyaashii reer Somaliland ee dagaalka kala qayb-qaatay boqortooyada Ingiriiska, Halka waddamo kale oo xulafada ahaa laga xusay.
Professor Eid Cali Axmed oo u waramayay warbaahinta caalamiga ah ee Nation.Cymru waxa uu yidhi “Waa maalintii VE (80 guuradii ka soo wareegtay markii Hitler iyo Isbahaysigiisii oo ay ku jiraan Talyaaniga iyo Soomaaliya ay ka adkaadeen UK iyo Isbahaysi ay Somaliland ka mid tahay oo ay Kumanaan reer Somaliland ahi ah ka qayb qaateen dagaalkii labaad ee Adduunka.
Waxaa ceeb iyo nasiib darro ah in shacabka reer Somaliland ee ka qayb qaatay dagaalkii 2-aad ee aduunka in aan maanta la xusin naf-hurnimadooda iyo geesinimadoodii, xuska 80-guurada VE-da ee maanta, iyadas oo ay kuwa kale ee Isbahaysigu ay ka soo qayb galeen xaflada iyo dhoolatuska.”
“Dadka reer Somaliland ee dhiiggooda iyo nafahooda u huray xorriyadda iyo nabadda dunida. Waxaa muuqata in weli taariikhdooda aan lagu soo darin buugga xusuusta guud ee dagaalka. Ddadaalkii iyo naf-hurnimadii ciidamada reer Somaliland lama xusin oo si cadaalad ahna looma aqoonsan,” ayuu yidhi Professor Eid.
Eid Cali Axmed waxa uu intaasi ku daray “Geesiyaasha reer Somaliland waxay si geesinimo leh, daacadnimo iyo nafhurnimo leh uga qeyb galeen dagaalladii koowaad iyo labaad ee adduunka si ay u difaacaan boqortooyadii Ingiriiska, balse nasiib-darro sheekooyinkooda lama siiyo aqoonsi ay istaahileen,” ayuu Professor Eid u sheegay Nation.Cymru. waxaanu intaas ku daray “Waa nasiib darro weyn ah in naf-hurnimadii iyo dadaalkii ay bixiyeen reer Somaliland intii lagu guda jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka aan lagu xusin xafladda VE Day. Halka dalal kale oo xulafada la ahaa lagu sharafay xafladda.”
Professor Eid waxa uu ka sheekeeyay taariikhdii dagaalkii labaad ee adduunka iyo kaalintii ay ku lahaayeen geesiyaashii reer Somaliland ee dagaalkaas ka qayb-galay waxaanu yidhi “Sanadkii 1940-kii, ciidamadii Talyaaniga ayaa weerar ku qaaday ciidamadii Ingiriiska ee ku sugnaa degaanka Somaliland Protectorate iyagoo aad u badnaa, taas oo keentay in ciidamadii Ingiriiska laga saaro Somaliland loona raro magaalada Cadan bishii Augusto ee isla sanadkaas.
Ciidamada Talyaaniga waxay haysteen xoog ciidan oo gaadhaya 91,000 askari, halka ciidamada Ingiriiska ee ku sugnaa Somaliland aad uga yaraa. Markii Ingiriisku ka baxay, Talyaanigu iyo ciidamada Soomaaliya ee hoos taga Talyaaniga waxay la wareegeen xoolihii dadka deegaanka.
Muddo lix bilood ah ka dib, ciidamada Ingiriiska ayaa ku soo laabtay Somaliland waxayna iyaga oo kaashanaya ciidamo reer Somaliland ah ka adkaadeen ciidamada Talyaaniga iyo kuwii Soomaaliya.”
Professor Eid wuxuu sheegay in si kasta oo reer Somaliland ugu dagaalameen si daacadnimo leh, haddana aanay helin aqoonsi rasmi ah ama abaal marin la mid ah tii ay heleen askartii u dagaalantay Faransiiska iyo xitaa Talyaaniga laftiisa.
Ciidanka Fardoolayda Somaliland
Professor Eid Cali Axmed wuxuu xusay in sannadkii 2002 ay boqoraddii Ingiriiska Queen Elizabeth II ay London ka daahfurtay taallo lagu xusayay Ciidamadii Fardoolayda Somaliland (Somaliland Camel Corps). Sidoo kale, xabaalaha ku yaalla magaalada Hargeysa waxay xusayaan magacyada askartii ka dhimatay dagaalladii Adduunka ee koowaad iyo labaad.
Eid Cali Axmed waxa uu ugu baaqay muwaadin kasta oo reer Somaliland ah inuu xasuusto naf-hurnimadii ay sameeyeen aabbayaashii iyo awoowayaashood waxaanu yidhi “Muwaadin kasta oo reer Somaliland ah waa inuu xusuustaa naf-hurnimadii ay sameeyeen aabbayaashii iyo awoowayaashii. Ciidamadii Somaliland waxay dagaal kula jireen ciidamada Jarmalka iyo Talyaaniga intii lagu jiray Dagaalkii Adduunka ee Koowaad, gaar ahaan Tangaanyika, iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, oo ay ka qayb galeen meelo ay ka mid yihiin Somaliland lafteeda iyo Burma. Sidoo kale, sanadkii 1982, markay ahaayeen badmaaxiinta (seafarers), waxay door ka qaateen dagaalkii Falklands.”
Ciidamadii u dirirayay Ingiriiska ee ka dagaallamay Burma waxaa hogaaminayay Captain Richard Darlington oo ka tirsanaa King’s African Rifles. Markii uu la kulmay geesinimada iyo dhaqanka wanaagsan ee reer Somaliland ee Burma, wuxuu go’aansaday inuu deganaado Somaliland kadib dagaalka, isagoo markaas beddelay xirfadiisii kuna biiray waxbarashada.
Abaalmarinno (OBE & MBE)
Darlington wuxuu inta badan noloshiisa shaqo ku qaatay Somaliland. Wuxuu noqday maamulihii ugu horreeyay ee dugsiga sare ee Amoud, kadibna waxaa loo wareejiyay dugsiga Sheikh Secondary School, oo loo yaqaan “Eton-ka Somaliland.” Wuxuu helay abaalmarinta MBE sanadkii 1956, iyo OBE sanadkii 1962. Wuxuu noqday qof si weyn loo jeclaaday, waxaana dadku u bixiyeen naanaysta Gacmadheere, taasoo muujinaysa qof gacan dheer leh (u hiiliya dadka).
Darlington wuxuu ka baxay Somaliland 1971, laba sanno ka dib afgembigii Siyaad Barre, wuxuuna ku dhintay Wales bishii Abriil 2007. Qoyskiisa iyo qaar ka mid ah ardaydiisii hore oo uu hormood ka yahay Professor Eid , waxay aasaaseen hay’ad samafal oo loogu magac daray Darlington Gacmadheere Foundation, taasoo ardayda saboolka ah ee Somaliland fursad u siisay inay wax ku bartaan jaamacadaha dalka.
Eid Cali Axmed wuxuu ahaa mid ka mid ah ardaydii uu Darlington wax baray.