Xikmadda Maanta

0
190
  • Ha sugin wakhtiga saxda ah, adigu samee wakhtiga saxda ah
  • Dadka aan waligood quusan ayaa ugu dambaynta guuleysta
  • Guushu waxa ay bilaabantaa marka aad aaminto in aad guuleysan karto.
  • Dadka guulaystay waxay horumar ku sameeyeen wakhtiga ay dadka kale dayaceen
  • Shaqadu waa inaad wax kasta u samayso si faa’iido looga gaadho.
  • Fikraduhu waa kumanaan, qiimo ma leh haddan ficil loo rogin
  • Haddii dadka oo dhami xaqa ka shakiyaan, adigu ku hadh keligaa.
  • Maalka iyo maamulka ma bedelaan qofka, laakiin waxay muujiyaann shakhsiyadiisa dhabta ah”.
  • Dadka oo dhan wanaag ma wada gaadhsiin kartid, laakiin dadka oo dhaan waad ka dayn karta dhibtaada”.
  • Xikmaddu waa in aad garanayso waxa aad samaynayso, Xirfadduna waa inaad garanayso qaabka aad u qabanayso. Guushuna waa inaad samayso.
  • Haddii sharka aad shar ugu jawaabto, goormu sharku dhamaanayaa?” Dulqaadka iyo cafiska ayaa dhameeya sharka”.
  • Waxa ugu qurux badan dunida waa inaad ogaato qiimaha naftaada”