Malahaagu Waa Fikirkaaga!

0
101

Waxa habeenimo gudcur dam ah wada safray sadex nin waxa ay ku soo bexeen nin meel wadada ka baydhsan laakiin aad ugu dhow qodaya , Markiiba shaki ayaa galay, midkood ayaa yidhi :โ€ Waxa laga yaaba in ninkaasi uu qof dilay oo uu cidladaasi ku aasayo habeenkan madow.

Ninka labaad ayaa isaguna yidhi : โ€œ Maya maaha sidaasi waxa laga yaabaa inuu yahay qof aan dadka aaminin oo lacagtiisa ayuu halkaasi ku aasanaya, iyadoon qofna arkaynโ€.

 

Kii sadexaad ayaa isaguna raaciyay weedhahan :โ€ Maya maaha sidaa aad labadiinuba u malayseen, muuqaalkiisu waa nin weyn oo sharafi ka muuqato waxa laga yaabaa inuu doonayo inuu ceel biyood uga qodo bulshadiisaโ€.

Haddaba xikmadu waxa weeyi qof kasta waxa uu yahay ee uu ku fikirayo ayuu u malaynayaa inay dadku wada yihiin, kan wanaagsani wanaag ayuu ka malaystaa, kan xumina dhinaca xumaanta.ย  Weel kastana waxa ku jira ayaa ka soo baxa.ย  Haddaba wanaaji malaha aad dadka ka qabto, sida aad u jeceshahay inay wanaaag kaa malasyteen.ย  ย Malaha wanaagsani waa mid sare u qaadaya, kan xumina waa imtixaan ku haysta.