Hogaamiyaha Sare ee Iran ayaa shaki ka muujiyay in wadahadalada Nukliyeerka ee Maraykanka ay horseedi karaan heshiis cusub, isaga oo sheegay inay sameeyeen dalabyo xad dhaaf ah oo laga xumaado oo ku saabsan tayeynta Uranium-ka.
“Uma malayneyno inay horseedi doonto natiijo kasta, ma garanayno waxa dhici doona” ayuu yidhi Ayatollah Ali Khamenei.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa todobaadkii hore sheegay in Iran ay ogolaatay qodobbada heshiiska ka dib afar wareeg oo wadahadal ah oo ay dhexdhexaadinaysay Cumaan tan iyo 12-kii Abriil.
Laakiin ka hor wareeg kale oo la qorsheeyay dhamaadka todobaadkan, madaxa wada xaajoodka Iran ayaa diiday sheegashada dhiggiisa Maraykanka ee ah inay ka go’an tahay joojinta soo saarista uranium-ka la tayeeyay, taas oo loo isticmaali karo in laga sameeyo shidaal koronto laakiin sidoo kale hubka Nukliyeerka.
Iran waxa ay ku adkaysanaysaa in hawlaheeda Nukliyeerka ay gabi ahaanba yihiin kuwo nabad ah oo aanay waligeed isku dayi doonin in ay samaysato ama ay hesho hub Nukliyeer ah.
Si kastaba ha ahaatee, Iran waxay jebisay xannibaado uu soo rogay heshiiskii hore ee nukliyeerka ee hadda jira si ay uga aargoosato cuuryaaminta cunaqabataynta Maraykanka ee dib loo soo celiyay toddobo sano ka hor, waxayna kaydisay uranium ku filan oo aad loo hodmay si loo sameeyo dhowr bam.
Khamenei oo ka hadlayey xaflad lagu maamuusayay madaxweynihii geeriyooday ee Ebrahim Raisi, oo ku dhintay shil helikobtar ah hal sano ka hor waxa uu sheegay in wadahadalka ay ku jirto hanjabaad ama khiyaano.
Khamenei waxa uu sheegay in wada-hadalladii Nukliyeerka ee uu Hoggaaminayey Hoggaamiyihii ka horreeyey Raisi, iyo madaxweynihii ka horeeyey ee Qunyar-socodka ahaa ee Hassan Rouhani, ay ku guul-darreysteen in natiijo laga gaadho, isla markaana aanu u malaynayn in wax horumar ah laga gaadhi doono intii uu xilka hayo Masoud Pezeshkian oo ah Is-beddel-doon.
Hogaamiyaha ugu sareeya ayaa sidoo kale dhaleeceeyay habka maamulka Trump, isaga oo yidhi: “Dhinaca Maraykanka ee wadahadallada aan tooska ahayn waa inay ka fogaadaan hadalada aan macnaha lahayn.”
Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff ayaa u sheegay ABC News waraysi uu Axaddii la yeeshay: “Ma ogolaan karno xitaa 1% awoodda kobcinta. Waxaan u gudbinay Iiraaniyiinta hindise aan u maleyneyno inay wax ka qabaneyso qaar ka mid ah arrimahan iyada oon la ixtiraamin.”
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Arakchi ayaa si degdeg ah uga jawaabay hadalkaa isaga oo yidhi “Filashooyinka aan xaqiiqada ahayn waxay joojiyaan wadahadallada, tayeynta Iran maaha wax la joojin karo.”
“Waxaan u maleynayaa inuu gabi ahaanba ka fog yahay xaqiiqada wada xaajoodka,” ayuu raaciyay.