Guul siyaasadeed oo ka dhacday masraxa Afrika
Qore Daahir Cabdi Ciise
Magaalada Nairobi, oo ah xarunta dhaqaalaha iyo siyaasadda Geeska Afrika, waxay toddobaadkan martigelisay mid ka mid ah dhacdooyinka diblomaasiyadeed ee ugu culus sanadkan.
Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo si heer sare ah ugu fuleeyay ajandihiisii siyaasadeed, inkasta oo uu wajahayay cadaadis diblomaasiyadeed oo ka imanayey laba dhinac Ee kale ah Soomaaliya iyo Shiinaha.
Loollanka: Saddex geesood ah
- Soomaaliya waxay ka carootay dadaalka Somaliland ugu jirto in ay la yeelato xidhiidho toos ah oo caalami ah. Waxay dedaal xooggan u gashay in safarka Madaxweynaha Somaliland la baajiyo, iyadoo adeegsatay olole siyaasadeed iyo diblomaasiyiin ka socda Villa Soomaaliya. Waxa la isku dayay in la xannibo kulamada Madaxweynaha iyo in la wiiqo sumcadda Somaliland.
- Shiinaha, oo u aragta xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan mid khatar ku ah danaha ay ka leedahay gobolka, ayaa si hoose u abaabushay dadaallo lagu carqaladaynayo saameynta Somaliland. Waxaa la dareemay in xukuumadda Beijing ay codsatay in aan la qaabilin Madaxweynaha Somaliland, iyadoo Kenya lagu cadaadiyay in ay xakameyso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland.
Somaliland, oo si miyir leh u wajahday xaaladda, waxay xushmad iyo xeelad siyaasadeed ku wajahday loollanka. Iyada oo aan ka xanaaqin cadaadiska muuqda, ayey la shaqaysay saaxiibadeed diblomaasiyadeed, waxayna si deggan u xaqiijisay kulamo muhiim ah oo ay la yeelatay madaxda Kenya, xildhibaanada, iyo hoggaamiyaasha dhaqanka.
Somaliland Diblomaasiyad Farsamaysan Oo Xilli Ku Habboon.
Madaxweyne Cirro wuxuu guul ka gaadhay loollankii saddex-geesoodka ahaa. Inkasta oo ay jireen isku dayo lagu carqaladaynayay, haddana wuxuu xaqiijiyay:
In xafiiska Somaliland ee Nairobi uu sii shaqayn doono, iyadoo aan la joojin ama la hoos dhigin.
In madaxda Kenya ay u qaabileen si rasmi ah oo sharaf leh, taasoo caddeynaysa in Somaliland laga tixgeliyo masraxa diblomaasiyadda Afrika.
In la jebiyay qorshihii Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha .
- Somaliland waxay muujisay inay leedahay karti, dulqaad, iyo xirfad diblomaasiyadeed oo aan la dhayalsan karin.
Loollanka laga dhex wado Afrika maanta wuxuu u baahan yahay dawlad leh himilo cad, karti wacyi-gelin leh, iyo hoggaan samata-bixin kara.
Madaxweyne cirro wuxxu noqdday hoggaan wanaagsan oo samatabixiyay maalinta loo baahan yahay ariimaha diplomasiyadda.
Somaliland waxay safarka Nairobi ku noqotay tusaale cusub oo Afrika ka hirgalaya. dal aan wali aqoonsi buuxa helin, balse si maskax iyo mabda’ leh u wada xidhiidhka caalamka.
Guusha ay Somaliland ka gaadhay loollankaasi waxay si toos ah u muujinaysaa in aysan jirin awood dibadeed oo si sahal ah u hor istaagi karta rabitaanka shacabka Somaliland. In la is hortaago ayaa macnaheedu noqon waayey in la is hor joogsado.
GABAGABO.
Somaliland Waa La Aqoonsan Doonaa, Marka Siyaasaddeedu Gaadho Heerkaas Sare.
Safarka Madaxweyne Cirro wuxuu noqonayaa dhabbaha cusub ee diblomaasiyadda Somaliland. Waa bilow.
Bilowga garwaaqsiga caalamiga ah. Waxaa cad in shacabka Somaliland iyo hoggaankooda ay u babac dhigi karaan caqabado kasta oo dibladeed, iyagoo u adeegsanaya xikmad, dulqaad, iyo diplomasi dhab ah.
Waxaa Nairobi looga baxay in Somaliland tahay dal leh karti siyaasadeed, waxaana Muqdisho iyo Beijing ku caddaatay in Somaliland aan laga xanibi karin sahan ka diblomaasiyadda Afrika.
Ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha diplomasi ah.
Daahir Cabdi Ciise