Qpre Khadar M. Dhako
Hargeysa (Dawan) Dalladda haweenka Nagaad ayaa qabatay shir lagaga hadlayay Caqabadaha xeerarka qoondada haweenka Somaliland ee Golaha Baarlamaanka.
Shirkan oo ka qabsoomaay Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtida Agaasimaha Dalada Nagaad Agaasimaha Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Agaasimaha Wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha Dalladda SONSAF, haweenka warbaahinta, khubaro sharci, iyo dumarka u sharraxan doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka.
Waxa shirkan lagaga dooday muhiimadda qoondada haweenka iyo caqabadaha haysta ka qaybgalka dumarka ee golayaasha qaranka.
Waxaana laga soo saaray qodobadan.
Shirku wuxuu isla qaatay:
- In qoondada haweenku ay waafaqansan tahay mabaadiโda dastuurka JSL.
- In dhaqanka iyo fahan laโaanta sharci caqabad ku tahay hirgelinta qoondada haweenka.
- In xalka ugu habboon ee dumarku ku heli karaan kuraasta golayaasha qaranku tahay ansixinta qoondada haweenka.
- Shirku waxa uu golayaasha qaranka ugu baaqay in ay dardargeliyaan ansixinta xeerka qoondada haweenka lana raaciyo xeerka doorashooyinka qaranka 91/2023.