Waxay ku nool yihiin Maraykanka, waxayna degan yihiin deegaano ay ku yar tahay adeegyada waxabarashada iyo caafimaadka, dhalinyaradooda waxa haysata fakhri aad u ballaadhan.
Waxay caadaystaan daroogada iyo rebeshadaha, dilalkuna waa u joogto.
Arrimahaasi nolosha kharibaya waxa u sabab ah ka dib markii ay ku qanci waayeen heer nololeedka ay ku jiraan.
Waxay ka cabanayaan shaqo laโaan iyo cunsuriyad joogto taasi oo mararka qaar dilal loogu geysto.ย Hogaamiyaha Qabiilada Hindida Cas (Red Indians Community) Mr.Black Haw ayaa dhawr qarni ka hor reer Yurubkii ku soo duulay America ay ka sexeexeen qoraal ah inuu dego meelo gaar ah kana guuro magaalooyinka waaweyn.
Sexeexa ayaa lagu sameeyay baal shimbireed.ย Mar danbe ayuu sheegay in aanu sidaasiย moodaynย maxa yeeelay waxba ma akhriyi jirin mana qori jirin. Sidaas ayay dalal badan oo reer Yurub ahi uga sexeexeen wixii ay iyagu doonayeen shucuubtii badawda ahayd caalamka kale. Qabiiladan Hindida cas ayaan xuquuq iyo ixtiraam ku haysan dalweynaha Maraykanka. Iyadoo weli ku jirta nolol adag. Waxaana ay ku dhegan yihiin halkudhegga hogaamiyahooda oo ah โ Ma doonayno in aanu Tijaar noqono, waxaan rabnaa nabad iyo nololโ.