Iran ayaa diiday warbixin ka soo baxday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka oo ku eedaysay Tehran inay kordhisay kaydkeeda uranium-ka aadka loo tayeeyay, oo ku dhow 50 boqolkiiba saddexdii bilood ee ugu dambeeyay.
Iran ayaa Sabtidii sheegtay in eedeynta ka timid Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah (IAEA) ay tahay “mid siyaasadeysan oo soo celcelinaysa eedeymo aan sal iyo raad lahayn”.
Arrinahan oo dhan waxay ku soo beegmayaan iyada oo wada-xaajoodyada heshiiska nukliyeerka ay u socdaan Maraykanka iyo Iran, iyada oo wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Abbas Araghchi uu sheegay in dalkiisu uu ka jawaabi doono soo jeedimaha Maraykanka, xilli uu Tehran ku sugnaa wasiirka arrimaha debeda ee Cumaan, Badar Al-Busaidi, iyada oo Cumman ay tahay goobta wada hadallada Nukliyeerka ee Iran iyo USA.
Araghchi wuxuu sheegay in soo jeedinta laga jawaabi doono si waafaqsan mabaadiida, danaha qaranka iyo xuquuqda dadka Iran. Tehran waxay ku adkaysanaysaa in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay ujeeddooyin nabadeed oo keliya.
IAEA waxay sheegtay in laga bilaabo May 17, Iran ay kadisay 408.6kg (900.8 pounds) oo Yuraaniyam ah oo la tayeeyey ilaa 60 boqolkiiba – waana dawladda kaliya ee aan hubka Nukliyeerka lahayn ee sidaas sameysa, sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay – waxayna kordhisay kaydkeeda boqolkiiba 50 ilaa 133.8kg tan iyo warbixinteedii ugu dambeysay ee Febraayo.
Warbixintan oo ballaadhan, sir ah oo ay arkeen dhowr wakaaladood oo wararka ayaa lagu sheegay in Iran ay fulisay dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo Nukliyeer ah oo aan lagu sheegin IAEA saddex goobood oo muddo dheer baadhitaan lagu hayay, taas oo ku tilmaantay “walaac halis ah” waxayna uga digtay Tehran inay beddesho jihadeeda.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa dhaleeceysay warbixinta ay soo xigatay IAEA, iyada oo sheegtay in wakaaladdu ay adeegsatay “dokumentiyo been abuur ah oo ay bixisay [Israa’iil]” waxayna ku celisay “eedeymo hore oo aan sal iyo raad toona lahayn”.
“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, iyada oo muujinaysa sida ay uga xun tahay daabacaadda warbixintan, oo loo diyaariyay arrimo siyaasadeed iyada oo cadaadis la saarayo hay’adda, sidaa awgeed waxay muujinaysaa diidmadeeda cad ee ku aaddan warbixinta iyo waxa ku jira,” ayaa lagu yidhi bayaanka.
Araghchi wuxuu dib u xaqiijiyay mawqifka dheer ee dalka, isaga oo sheegay in Tehran ay u aragto arrimaha hubka nukliyeerka “mid aan la aqbali karin”.