Hargeysa (Dawan) Gudoomiyaha Kuuliyadda tababarka macalimiinta Qaranka Marwo Raxma Cabdirisaaq, ayaa sheegtey in 106-da Macalin ee maanta ka baxay kuuliyada tabbabarka macalintu ay yihiin dufcadii u horraysay.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in kaalin weyn ay ugu jiraan qaranka iyo wasaaradda waxbarashadaba.
Waxaaney tidhi.“Tirada hablaha ka baxaya kuuliyada tababarka macalimiinta waa 106, waana dufcadii u horraysay ee hablo ah, waxa laga soo kala xuley guud ahaan Somaliland, waxaan ku boggaadinaya dhabar-adegyga ay muujiyeen mudadii ay waxbaranayeen, waxa iyaguna aan u mahadcelinaya hay’addaha gacanta ka geystay tababarkani mudadii uu socday.
Waa mid ka mid ah tiirarka tayeynta waxbarashada, cida mudnaanta kowaad lihina waa macalimiinta, Kuuliyadda macalimiintu waxay Qaranka iyo wasaaraddaba ugu jirta kaalin weyn oo mihiim ah, gabadhkasta oo maanta qalinjabiseyna waxay diyaar u tahay inay wixii ay baratay ay dib ugu celiso degaankii ay ka timid”