Waxaa la soo bandhigay xus loo sameeyay Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Japan oo ay ku dhinteen in ka badan 800 oo maxbuus dagaal oo British ah. Lisbon Maru waxaa gantaal ku riday Markab gujis ah oo Maraykanku leeyahay bishii Oktoobar 1942-kii, Markabkan oo aan la ogayn inuu siday maxaabiis dagaal (PoWs) waxa uu ka yimi Hong Kong wuxuuna ku socday Japan, wuxuuna ahaa mid loo soo kaxaystay si khasab ah.
Ka hor intaanu degin markabku, waxa la xaqiijiyey maxaabiista. Manay ogayn waxa saarnaa. Xusuusta, ka dhcday Jasiiradda Qingbang, Koonfur Bari ee Shanghai. ย Taariikhyahan militeri, Brian Finch, oo ahaa soo saaraha dukumeenti ka sheekeynaya sheekada digitaanka ayaa sheegay in dad aad u tiro yar ay wax ka ogaayeen Lisbon Maru.
“Waxaan u maleynayaa inay tahay cawaaqibta lama huraanka ah ee dadka 1945, kuwaas oo u dabaaldegay May wixii ay moodayeen inuu dhammaaday dagaalka,โ ayuu yidhi waxaanu intaas ku daray “Waxay ahayd uun dhammaadkii dagaalkii Yurub waxaanay illaabeen dadka Bariga Fog.”
Ken Salmon waxa uu awoodi waayay in uu wax ka ogaado qofka badbaadiyay nolosha aabbihii, marka laga reebo in uu ahaa kalluumaysato. Laakin markii uu awooday in uu halkaas u safro oo uu u mahadceliyo bulshada deegaanka wax badan ayay isaga uga dhigan tahay. “In badan oo ka mid ah PoW’s waxaa qaaday badda. Nasiib ayey yeesheen oo waxa helay kaluumaysato.