Quruxda dawladnimo waxaa lagu qiimeeyaa, Hugeeda, Hadalkeeda iyo Hab-dhaqankeeda. Hab socodka, Hab-maamuusyada ama Protokolka dawladdu ay u yagleesho iyadoo raaceysa habraacyada caalamiga ah ee loo yaqaano ISO (International Organization for Standarazation) Waa habab habaysan oo xeerar qotoma leh, habraacyo iyo halbeegyo hubinaya suurta galnimada sharciga, amniga, iyo hufnaanta hawlgallada rasmiga ah. Waxay ka jiraan dhammaan heerarka kala-duwan ee uu Qaranku leeyahay (Maxali, Qaran, Caalami) waxayna daboolayaan meelaha sida diblomaasiyadda, sharci-fulinta, wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo maamulka guud ahaanba. Waa kan sida ay u shaqeeyaan, Ujeeddada iyo Baaxadda uu leeyahay, Qeexida ujeedooyinka hab-maamusyada iyo habraacyada ayaa ah farshaxannimo dawladuhu is-dheer yihiin, iyadoo ay tahay mid isku mid ah ayaa haddana lagu kala farshaxan duwan yahay Tusaale ahaan, amniga qaranka, bixinta adeegga dadweynaha, isku-dubbaridka hay’adaha iyo socdaalka diblomaasiyadeed.
Dejinta iyo xuduudeynta masuul walba halka uu kaga beegan yahay shirarka Qaran iyo ka Diblamaasiyadeed), ayaa ah Shaqo u gaar ah waaxda Protokolka oo ka shaqeeysa habsami u socodka shirarka heer qaran iyo mid caalami, inkastoo ay waddanka martida loo yahay ku shaqo leeyihiin, ayaa sidaasooy tahay ay jirtaa mid u gaar ah.
Kala-dambeynta iyo ixtiraamka hawl-fulineed ayaa ah fahamka guud ee dawladnimo, kala-sarreynta masuuliyadeed ayaa qeexeysa sida loo kala-mudan yahay iyo sida shaxda dawladnimo u dhisan tahay iyo sida loo hirgelinayo, hawl-galka dimlomaasiyadeed iyadoo kala-baaxad iyo saameyn leh. Hugga diblomaasiyadeed ayaa sheegaya inaad u labisato, si qurux badan iyo dhar iskumid ah oo aanad noqon katabaan dhar la sudhay oo xidha dhar kala-jaad iyo midab ah ama qaanso roobeed ileys badan ama dhaldhalaal dadka indha-daraandariya.
Hadalka diblomaasiyadeed ayaa isagana ah garashada kala-mudnaanta mansabeed iyo salaanta sida loo kala-mudan yahay iyo xuduudeynta hadalka diblomaasiyadeed iyo far ku fiiqida ujeedooyinka guud ee kulanka, waxaa la yidhaa “ Kolka caaqilku farta ku fiiqo Dayaxa, Caamadu fartey ku dheygagtaa” oo ay ka dhigan tahay “When the wise man points at moon, the fool looks at the finger”.
Waa inaad ku talax-tegin oo uu hadalku yeesha musdambeed iyo gunaanad gaaban iyadoo la isticmaalayo saddexda udub dhexaadka u ah hadalka guud ahaan iyo gaar ahaanba (Clear,Concise,Compelling) Waa hadal cad oo kooban oo soo jiidasho leh.
Kol kasta oo hadalkaagu caddaado,waxaa fududaaneysa fahamka ujeedadaa, isagoo noqonaya mid kooban oo soo jiidasho ama saameyn yeesha. Hab-dhaqanka diblomaasiyadeed ayaa ah mid leh habraacyo, sida loo socdo, qunyar socodninada diblomaasiyadeed, adigoo xushmeynaya hannaanka habmarineed, meelaha loogu talogalay inay maraan masuuliyiinta mansabka u haya Qaranka oo aanay noqon qardo-jeex meel aan loogu talo galin ka fuula masraxa. Anigoo ah turjumaa luqado kala-duwan oo ay kow ka tahay luqada Faransiiska ayaa waxay weriyeyaal caalami ah isoo weydiisteen turjumaadii warbixintii safarkii madaxweynaha ee uu ku tegay Dalka Keeniya oo ahayd guul aan qiimaheeda la soo koobi kareyn, waayo waxa uu jeediyay odhaahyo ka duwan kuwii laga maqli jiray masuuliyiinta Afrika ee muusunawga, catawga iyo baroortu ay dhaqanka u lahaayeen, taasoo bedeshay qudbad gundhig u ah (Mision and Vision) Hawlgal iyo aragti fog oo salka ku haysa Han iyo Hibo, isagoo ka turjumaya shacabka uu metelo oo hankoodu sarreeyo oo doonayaa Dhaqaale horumarineed, si kastaba ha noqotee, ka qeyb-galka kulamada caalamiga ah ayaa sidoodaba noqda qibrado u kordha Qaranka iyo Masuuliyiintiisa, iyagoo goorwalba iyo goobwalba isha ku haya habsami u socodka wadajirkooda iyo waxqabadkooda oo uu hadafkooda kowaad yahay Horumarinta Qaranka.
Qoraa Yaasiin Daahir Cumar