Wasaarada Caafimaadka JSL oo soo Bandhigtay Natiijada Olololaha Talaal ay Dhawaan Fuliyeen

0
60

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr Axmed Maxamuud Jaamac ayaa shalay xarunta wasaaradda horumarinta caafimaadka ee magaalada Hargaysa ku qabtay kulan lagu falanqaynayey natiijada talaalkii ololaha heer qaran ee cidhib tirka xanuunada Jadeecada, Oofwareenka iyo Dabaysha oo socday mudo shan maalmood ah lana soo gabogabeeyey laguna talaalayey Caruurta da,doodu ka yar tahay Shanta Sano.

Kulan kan ayaa waxa ka soo qayb-galay Haayahada WHO, UNICEF iyo sidoo kale Madaxda waax yaha kala duwan ee wasaaradda, iyadoo hagaasimaha guud la wadaagay ka soo qayb galayaasha nuxurka natiijadii ka soo baxday talaalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa tilmaamay in ololahan uu ka mid yahay dadaallada joogtada ah ee wasaaraddu ku ilaalinayso caafimaadka bulshada, gaar ahaan carruurta da’da yar. Waxaanu caddeeyay in ololahan lagu tallaalay 83% carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano, sidoo kalena mudadii uu socday Ololaha Talaalka isku dhafan ay farxad tahay in ay Wasaaraddu talaaashay 33,084 Carruur ah oo aan hore u helin wax tallaal ah oo jira da,da dhalashada ilaa –11 bilood kuwaas oo ku kala sugan dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka. “Ujeedada talaalkan aanu qabananay waxay ahayd in aanu ka hortagno xanuunada faafa, waxayna ahaayeen Saddex xanuun kuwaasi oo kala ahaa, Oofwareenka, Dabaysha iyo Jadeedaca, taargetka aynu doonaynay in aynu gaadhno waxa uu ahaa 805709 Caruur ah oo reer Soamliland ah dhamaantood, tirad ayu gaadhanay ee hada talaalka qaadatayna waxa weeyi 727464 Caruur ah oo ka yar Shan Sano”

Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa sheegay in talaalkani gaadhay Caruur da,doodu tahay 3 ilaa 4 sano oo aan hore wax talaal ah u qaadan waxana uu yidhi ”Waxa farxad wayn ah in talaalkani gaadhay caruur da,doodu tahay 3 ilaa 4 sano oo agaadhaya tiro kabadan 33048 oo aan hore wax talaal ah u qaadan”Ayuu ydhi agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go,an tahay inay sii wadaan talaalka kaasi oo aan ahayn mid ay halkaasi ku joojinayaan balse uu ka sii socon doono goobaha caafimaadka ee dalka si loo gaadho caruurta dalka ku nool ee aanu weli talaalku gaadhin amaba aan wax talaal ah qaadan