Maalinta Deegaanka Adduunka oo laga Xusay Somaliland

0
152

Wasiir Geeljire oo daah-furay xaflad ballaadhan oo lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee deegaanka adduunka

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo is-bedelka cimilada Somaliland mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) ayaa shalay magaalada Hargeysa ka daah-furay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayay Maalinta Deegaanka Adduunka oo ah maalin caalami ah arrimaha deegaanka looga dabaal-dego sannad walba dunida oo dhan.

Wasiir Cabdillaahi Geel-jire ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedada xuska maalinta deegaanka adduunka iyo madashan uu ka daahfuray Hargeysa ee lagu xusay maalinta caalamiga ah oo sannad kasta 5 ta bisha June laga xuso dunida oo dhan, si loo xuso muhiimada ilaalinta deegaanka iyo dardargelinta wacyigalinta ku saabsan arimaha deegaanka sida wasakhaynta, isbedelka cimilada, dhir-beerista iyo sidoo kale ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.

Ujeedada xuska maalintan ayuu wasiirku tilmaamay in ay tahay kordhinta wacyigalinta ee ku aadan deegaanka, samaynta dadaalada lagu ilaalinayo deegaanka iyo xal u helida caqabadaha ay deegaanka ku keenaan isbedelka cimiladu.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Annagu isbedelka cimilada waanu ku soo noolaynba, waxaanu soo gaadhnay Hargaysa oo wada dhir iyo doog ah, waxaanu soo gaadhnay Hargaysa oo maalin walba marka ay labada gaadho Roobku helo, waxaanu soo gaadhnay Hargaysa oo aan lahayn qashin daadsan iyo baco farobadan oo aanay Qiiq iyo ciiro ku gedaamnayn, maantana waad arkaysaan abaarta iyo Roob la’aanta jirto”