Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska oo ka Warbixiyay safaro uu ku tagey Dalalka Kenya iyo Itoobiya

0
111

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay safaro kala duwan oo ku tagey dalalka Kenya iyo Itoobiya, waxa uu sheegay in dalka Kenya safarkii u uku tagey uu martiqaad rasmiya ka helay masuuliyiinta dalkaasi, isla markaana uu booqday dekedda Mombaasa, halkaasina u uku soo dhaweeyay maareeyaha dekedda iyo wasiirka arrimaha badaha iyo macdantu islamarkaana ay warbixin dhinacyo badan taabaneysa ka siiyeen qaabka ay u shaqeyso dekeddu, hawlaha ka socda.

Sidoo kale waxa uu xusay in uu kormeer indha indheyna ku tagey qaybta kaydka haamaha shidaalka isla markaana uu u kuurgaley qaabka ay u shaqeeyaan maadama wasaaradda ganacsiga ay hoos yimaadan haamaha shidaalka ee Berbera.

Sidoo kale wasiir Cabdiraxmaan waxa uu ka hadlay safarkii uu ku tagey dalka Itoobiya, waxaanu sheegay in uu kala hadlay masuuliyiinta dalkaasi sidii looga wada faa’ideysanlaha ganacsiga labada dal, isla markaana loo fududeyn lahaa ganacsiga xuduudaha.

Waxaanu yidhi.“Dalka Kenya ayaan booqday, gaar ahaan magaalada Mombasa ee dekeddu ku taalo, halkaasi oo aan ku tagey martiqaad rasmiya, aniga oo eegayay dekedoodu qaabka ay u shaqeyso, ganacsiga meesha ka socda sida uu u shaqeeyo, dhuumahooda shidaalku qaabka ay u shaqeeyaan, maadama haamaha shidaalku hoos yimaadaan wasaaradda ganacsiga, in aanu wax ka barano ayaan meesha u tagey maamulka dekedduna si fiican ayuu ii soo dhaweeyay, sidoo kale wasiirka arrimaha badaha iyo macdanta ayaanu kulaney warbixin fiicana isiiyay”

Sidoo kale wasiir Cabdiraxmaan waxa uu ka hadlay safarkii uu ku tagey dalka Itoobiya, waxaanu sheegay in uu kala hadlay masuuliyiinta dalkaasi sidii looga wada faa’ideysanlaha ganacsiga labada dal, isla markaana loo fududeyn lahaa ganacsiga xuduudaha.

Waxaanu yidhi.“Safarkii labaad waxaan ku tagey dalka Itoobiya oo aan kala hadlayay arrimaha ganacsiga iyo dalxiiska labadaba, sidii aynu isu weydaarsan lahayn, isu dhexgali lahayn, bulshaduna uga faa’ideysan lahayd ganacsiga labada dhinacba yaala, isla markaana loo fududeyn lahaa ganacsiga xuduudaha isaga tallaabaya, iyo sidii dalxiisayaashu labada dalba ay u tagi lahaayeen”