Amb Kaysar oo Ganacsatada iyo Shirkadaha Yurub uga Baaqey Maalgashiga Somaliland

0
263

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Brussels (Dawan) Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub Danjire Kaysar Maxamed ayaa ku booriyay shirkadaha Midowga Yurub iyo madaxda ganacsiyada inay ka faa’iidaystaan ​​fursadaha maalgashi ee Somaliland.

Amb Kaysar Maxamed oo ay waraysi la yeelatay warbaahinta Napi Eu ee midawga Yurub ayaa badka soo dhigay sababaha u waawayn ee hadda loogu baahan yahay in ganacsatada iyo shirkadaha midawga Yurub ay wakhi xaadirkan u maalgashadaan Somaliland, taasi oo uu si faahfaahsan ugu macneeyay boqcada Istaatijiga ah ee ay Somaliland ku taalo iyo kheyraadka dihin ee RABBI ku manaystay Somaliland.

Waraysigan uu Amb Kaysar kaga xog waramayay muuhiimada maalgashi ee Somaliland iyo fursadaha horyaala ganacsatada iyo shirkadaha midawga Yurub ayaa lagu baahiyay mareegta Interner-ka ee Napi EU.

Waraysigan oo ah mid aad u mug wayn ayaa marka hore waxa uu Amb Kaysar aad uga waramay xasiloonida, nabadda, Dimuqraadiyadda iyo la soo noqoshada dawladnimada Somaliland oo ay shacabku udub dhexaad u yihiin

Waxa uu Safiirka Somaliland ee midawga Yurub sheegay in Somaliland waxa u qorshaysan inay martigeliso shirwayne balaadhan oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah July 2025. Munaasibadan ayaa diiradda lagu saari doonaa fursadaha dhaqaale ee Somaliland iyo dedaalka ay ugu jirto soo jiidashada maalgashiga iyo sidii ay uga mid noqon lahayd doorka muhiimka ah ee Geeska Afrika.

Waxaanu yiidhi “Somaliland waxay ku talaabsatay horumar balaadhan 30-kii sano ee u dambeeyay ee ay iskeed isku maamulaysay. Nabada iyo xasiloonida waxa lagu soo celiyey dedaalka shacabka Somaliland. Nidaamyada dimuqraadiga ah ayaa la dhisay oo ay sii socdeen in ay horumaraan ka dib shan doorasho baarlamaan iyo degaan oo guul leh.

Somaliland waxay ku taal meel Istaraatiiji ah oo ku taal badhtamaha Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed ee u dhow albaabka laga galo Bab al-Mandeb iyo marinka Badda Cas iyo Kanaalka Suweys, oo ah marin-badeed weyn oo mara saddex-meelood meel maraakiibta dunidu”.

Mar kale Amb Kaysar ayaa warbaahinta Napi EU uga waramay dhaqaalaha Somaliland iyo suuqa xorta ah ee ka jira Somaliland, kaasi oo ku haboon maalgashadayaasha caalamka, isla markaana aanay kala kulmayn wax takoor ah, waxa uu intaasi ku daray m,acdanta dihin ee dalka ka buuxda kuwaasi oo ay ka mid yihiin kuwo nadir ku ah dunida

Waxaanu yidhi “Nidaamka Dhaqaalaha Somaliland waa nidaamka suuqa xorta ah ee ku dhisan sahayda iyo baahida oo ay yar tahay ama aanay dawladi gacanta ku hayn. Somaliland waxay ku naaloonaysaa siyaasado suuq furan oo loogu talagalay inay meesha ka saarto takoorka ka dhanka ah maalgashadayaasha ajaanibka ah, mashaariicda ganacsiga, maalgashiga iyo macaamilka maaliyadeed. Si kor loogu qaado fursadaha cusub iyo hal-abuurka.

Somaliland waxa ay qani ku tahay kaydka macdanta oo ka kooban noocyo badan oo dhagax ah sida Emerald, Sapphire, Ruby, Aquamarine, Opal iyo nooc kasta oo Garnet ah. Waxa kale oo Somaliland ka jira macdano kale oo aad u badan, sida macdanta birta, titanium, aluminium, tungsten, tiin, galena iyo biraha kale ee naadirka ah sida columbite-tantalite, molybdenum iyo macdano kale oo naadirka ah oo meelo yar dunida laga helo”.

Gebo’gabadii Safiirka Somaliland ee Midawga Yurub Amb Kaysar Maxamed ayaa sheegay in maalgashadayaashu ay heli doonaa cashuur dhaaf baaxadleh, waxaanu intaasi raaciyay inay dawladda Somaliland diyaar u tahay wax ka qabashada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo inay diyaar u tahay soo jiidashada maalgashadayasha dunida

Waxaanu yidhi “Maalgashadayaashu waxay ku raaxaysan doonaan 100% saddex ilaa shan sano oo fasax cashuureed faa’iidada iyo 100% ka dhaafida alaabta ceyriinka ah ee la soo dejiyo, mashiinada, qalabka, rakibaadda iyo wax kasta oo kale, saadka iyo qaybaha loo soo dhoofiyo ujeedooyinka wax-soo-saarka waa laga dhaafay cashuuraha caadooyinka soo dejinta.

Dawladda Somaliland waxay u taagan tahay samaynta shuraako dawladeed oo gaar ah (PPPs) si wax looga qabto horumarinta baaxadda weyn ee kaabayaasha dhaqaalaha ee ka baxsan awoodaha maaliyadeed ee dawladda.

Maal-gashiga sida saxda ah loo diwaan galiyay ee ay ansixiyeen Guddidu lama la wareegi karo haddii aanay jiran hab kale oo ay intaa ku ilaalin karto danta guud”.