Waxan Gaadhay Hamigayga! “IIbso Tigidhka Guusha

0
257

Iyadoo da’deedu gaadhay 95 sano ayay jaamacadda Hays State University  ee dalka Maraykanka bishii  August sanadkii 2007 kaga qalin jebisay derejada 3.7 GPA. Nola wakhtigaasi waxa ay sii wadatay tacliinteeda sanadkii 2010 ayaya Master degree mar kale ka qaadatay jaamacadda iyadoo ku heshay derejeda “ Distiniction “ Aqoon badane” . Waxaana ay noqotay qofkii ugu da’da weynaa ee derejadan ku qaata master Degree.

Islaantan Nola ayaa markii ay boqol jir gaadhay qortay buugeedii u horeeyay oo ay u bixisay “ Hamiga da’du ma xidho”. Waxaana ay sheegtay inay dadaalkan u samayanaysay si ay u dhiirgeliso dhalinyarada oo ay u dadaalaan. Nola ayaa dhimatay sanadkii hore 2016 iyadoo da’deedu tahay 105 sano.

Waxaana ay tidhi “ Waan xaqiijiyay hadafkaygii , waxaanaa aan gaadhay hamigaygii, anigoo waayo aragnimadii nolshayda ku soo bandhigay buuga aana qoray”. Mar la weydiiyay talada ay bixinayso waxa ay ku soo koobtay “ Iibso tigidhka dayuuradda (guusha) ” oo ay ula jeeday haddaad rabto inaad meel sare gaadho dadaal bixi.