Wuxu ka shaqaynayay wershad qoryaha samaysa oo weyn muddo dheer, markii usoo gaadhay da’da 40 sano wuxu ahaa mid khibrad xoog ah u leh shaqada. Subax hore markii uu shaqada soo galay ayuu ku wargeliyay maamulaha wershadu inuu shaqadii ka eryay isla markaana dood iyo beryo midna aan loo baahnayn.
Xubinta shaqaalaha ah ayaa iskaga baxay isagoo cadho iyo murugo ka buuxdo, aaminsana in albaabkii kelida ahaa ee risiqiisa la soo xidhay. Waxaana uu naftiisa ku yidhi : “ Markii ay xoogaygii ku shaqaysteen ayay shaqada iga eyeen sabab la’aan”!.
Markii uu gabadhiisa u tegey isagoo murugo xooggani ka muuqato ee uu sheegay arrinka, kama ay soo qaadan wax dhib badan sida ay isaga ugu muuqatay waxaana ay ku tidhi: “ dhib ma leh gurigeena ayaan iibnayna oo aan ku ganacsan doonaa, werwerka iska dhaaf ”!. Tadaasi ayuu ku dhaqaaqay waxaana uu lacagta guriga ku bilaabay inuu ku dhiso guryo kale oo haddana sii iibiyo. Markii u horaysay waxa uu dhisay laba guri oo uu iibiyay waxaana uga soo baxay macaash fiican.
Shan sano ka dib wuxu noqday maalqabeen weyn oo caan ka ah dalka Maraykanka. Ninkaasi waxa lagu magacaaba Wallace Johnson oo dalka Maraykanka aad looga yaqaano, isla markaana dhisay huteelada iyaguna caanka ah ee lagu magacaabo Holiday Inn iyo kuwo kale oo badan.
Johnson Waxa uu ku qoray buugiisa xusuus qorka weedha ah :“ haddaan ogaan lahaa ninkii shaqada iga eryay halkuu joogo, waxaan uga mahad niqi lahaa abaalka uu ii galay !. Kaasi oo ula jeedo shaqada uu ka erayay, oo sabab u noqotay inuu sameeyo curinta ganacsi taaba galay.
Waxa uu xusuus qorkiisa ku yidhi oo kale :” Xaqiiqdii waan murugooday markuu eryay laakiin haddana manta waxan fahmay in albaabkii iga xidhmay mid ka waaagsani uu ii furmay, kaasi oo waxtar u yeeshay naftayda, qoyskayga iyo dunida kaleba inta aanu macaamilka nahayba.. Odaygani ugu danbayntii waxa uu dhintay xanuun wadnaha ah sanadkii sanadkii 1988 isagoo da’diisu tahay 86 sano, laakiin ka mid ah maalqabeenada dalkaasi.