Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bogaadisay Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Congress-ka dawladdas Maraykanka oo curiyay xeer iyo hindise sharciyeed ku wajahan Aqoonsiga qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
SWasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ku ammaanay xildhibaan Scott Perry xeerkan uu hal abuuray ee la xidhiidha aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland, isag aoo ku ku sifeeyay tallaabo guul ah oo hore loo qaaday.
Wasiirka Arrimaha Dibaddu wuxuu xusay in Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan xisbiga Jamhuuroga Maraykanku uu sameeyay geesinimo.
Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan wuxuu caddeeyay in Xukuumadda Somaliland uga mahadcelinayso xildhibaankan horumarka uu ka sameeyay sharcigan gaarka ka dhigaya in Somaliland loo aqoonsado waddan madaxbannaan.
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa dhawaan kula kulmay Maraykanka xildhibaan Scott Perry oo ay ka wadahadleen dardargelinta taageerada qaddiyadda Somaliland.
Mashruucan sharci wuxuu dib u qaabayn doonaa isla markaana lagu salayn doonaa siyaasadda cusub ee Arrimaha dibadda Maraykanka oo iskaashi la yeelan doonta Somaliland oo ah dal muhiimad istaraatajiyaddeed leh, isla markaana nabdoon oo gaarkiisa isku xukuma.
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si ballaadhan u soo dhaweysay isla markaana u mahadcelisay Xildhibaan Scott Perry, waxaaay ku bogaadisay curinta xeerkan hindise sharciyeedka ah ee jidaynaya in Somaliland loo aqoonsado qaran madaxbannaan.
Sidaas waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, qoraalkaas oo u qornaa sidan:- “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si diirran u soo dhoweynaysaa hindisaha sharciga ah ee Somaliland loogu aqoonsanayo dal madaxbannaan “Republic of Somaliland Independence Act” oo uu soo gudbiyey xildhibaan ka tirsan Kongareeska Maraykanka, Mudane Scott Perry.
Hindisahan taariikhiga ah wuxuu xoojinayaa sooyaalkii 30ka sannadood ee ay Somaliland ku dhisatay nabadgelyo, maamul dimoqraaddi ah, iyo xasillooni, waxaannu xeerkani aqoonsanayaa xaqiiqada jirta ee madax-bannaanida Somaliland.
Waxaan si qoto dheer ugu mahadnaqaynaa Mudane Scott Perry iyo xildhibaannada la shaqeeyay ee ksla ah Andy Ogles, Pat Harrigan iyo Tom Tiffany oo muujiyey hoggaamin mabda’ leh iyo taageero wax ku ool ah.
“Dawladda Somaliland waxay si buuxda u taageersan tahay sharcigan cusub, waxayna rajaynaysaa in ay sii xoojiso iskaashiga iyo cilaaqaadka laba geesoodka ah ee dhexeeya Dowladdaha Somaliland iyo Maraykanka.” Ayaa lagu yidhi dhambaalka Wasaaradda Arrimaga dibadda.”






















