Qore Khadar M. Dhako
Hargeysa (Dawan) Mudaneyaasha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaaliland, ayaa shalay ansixiyey xeerka ciidanka socdaalka iyo ilaalada Xuduudaha Somaliland, xeerkaas oo ah mid baahi wayn dalku u qabay, isla markaana muhiimad weyn u leh nidaamka ciidamada socdaalka iyo ilaalada xuduudaha dalka.
Fadhigii shalay ee lagu ansixiyay xeerkan oo uu shir guddoominayay, guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa ka soo xaadiray 55 xildhibaan, waxa ogolaaday xeerka 51 xildhibaan, waxaa diiday 2 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 2 mudane, sidaas ayaanu ku ansaxay xeerka ciidanka socdaalka iyo ilaalada Xuduudaha Somaliland.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mida gudida loo saaray Xeerkan ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay qodobada ay wax ka badalka iyo kaabista ay ku sameeyeen. Waxaana uu yidhi “Mudanayaal waxa aanu haynay wax ka bedalka iyo kaabista ee Xeerka ciidanka socdaalka iyo ilaalada Xuduudaha Somaliland, waxa aanu ku soo gudbinay erey bixinta kafaalad, waxa loola jeedaa wakiil. qodobka 79aad faqradiisa 2aad, waxa lagu soo kordhiyay xaraf cusub oo u dhigan baasaaboorka Diblumaasiga ah in lagu waayi karo marka qofka sitaa uu dhamaysto mudada xilka ama laga qaado xilka uu ku helay Baasaboorka. In loo adeegsan Masuuliyiinta kala ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka hore iyo Shir guddoonada labada gole ee xeerku siiyay maamuus gaara, marka ay xilka ka tagaan sida xeerkani qabo qof kasta oo ku xadgudba, hor joogsaday hawl wadeen socdaal si uu u guto waajibaad kiisa ciqaabta u mudanayo ayaa ku xusan. Qof kasta oo gala dambiyadda xeerkan waxa lagu ciqaabayaa xadhig dhan 12 bilood ama ganaax dhan malyan iyo labo boqol oo kun. haddii aanu falku keenin dambi aad u culus”.