Qore Cabdiwahaab Daahir
Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada, barbaarinta iyo sayniska Somaliland Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa shalay magaalada Hargaysa kulan dardaaran iyo wacyi-gelin ah ugu qabtay qaar ka mid ah ardayda reer Somaliland ee fasaladda 4aad iyo 8aad ee sannadkan u fadhiisanaya Imtixaanka shahaadiga ah.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa ayaa ardaydii ka soo qaybgashay kulankan iyo guud ahaan ardayda u faadhiisanaya Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8aad iyo 4aad ku waaniyey in ay ka fogaadaan arimaha qishka oo ay ku kalsoonaadaan aqoontooda, isaga oo ardayda u sheegay in qishku yahay mid mustaqbalkooda aan u wanaagsanayn, haddi lagu qabtana uu khasaarayo dadaalkii ay sannadaha soo wadeen.
Masuuliyiintii ka soo qaybgalay madasha ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji Xirsi, Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Daauud Axmed Faraax, Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Maroodi-Jeex Wali Cabdi, Iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan bahda Wasaaradda waxbarashada.
Wasiirka waxbarashada oo arimaha qishka ardayda kala hadlaya ayaa waxa uu yidhi”Waxaad galaysaan waa imtixaan yar oo laydunku eegayo wixii aad soo dhigateen, aqoontaada uunbaa la eegayaa ee maaha wax aad u wayn, Qishku sidiisaba waa Qudhun dawadiisuna tahay kalsooni uu ardaygu isku kalsoonaado”
Wasiirka wasaaradda waxbarashada barbaarinta iyo sayniska Somaliland Pro Ismaaciil Ducaale yuusuf ayaa waxa uu intaasi ku daray isla markaana Ardayda u fadhiisanaysa Imtixaanka shahaadiga ee dhawaan guud ahaan Somaliland ka bilaabmi doona kula dardaarmay inay kalsooni imtixaanka ku galaan kana fogaadaan wax kasta oo ay Imtixaanka ka ku waayi karaan.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa carabka ku adkeeyey inay qorshaynayaan soona saarayaan xeer lagu xakamaynayo bixinta xogta imtixaanaadka kaasi oo la saari doono cidkasta oo lug ku yeelata ama laqabto isagoo ku hawlan bixinta imtixaanka kaasi oo doonaya inuu imtixaakanka sifo sharci daro ah ku gaadhsiiyo ardayda galaysa Imtixaanka.
”Waxa jiri doonta xeerar iyo sharciyo wasaaraddu soo saartay kaasi oo sheegaya macalinka, ardayga iyo maamulaha qishka lagu qabto talaabada laga qaadayo”ayuu yidhi wasiirka wasaaradda waxbarashaddu.
Geesta kale Gudoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka qaranka Daa,uud Axmed Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ardayda sanadkan galaysa imtixaanka kula dardaaramay in aanay marnaba ilaawin talo saarashada ALLE oo ah arinta ugu muhiimsan ee qof walba oo muslim ah looga baahan yahay inaanay qalbigiisa ka maqnaan, in ardaygu noqdo mid kalsooni ku qaba naftiisa kana fogaado wax kasta oo uu ku waayi karo imtixaanka taasi oo ku keeni karta caqabad dadaalkii sanadaha uu soo waday Meesha ka saarta iyo sidoo kale noqoshada arday ku sifaysan kan marwalba u samo-fala waalidka.
Gudoomiye Daa,uuda Axmed faarax oo ardayda la dardaarmaya ayaa waxa uu yidhi”Waxan idinku waaninayaa Saddex qodob oo kala ah, inaad ALLE talo saarataan inaaf naftiina ku kalsoonaataan iyo inaad waalid adeec noqotaan marwalba u samafala waalidka”
Gabagabdii masuuliyiin, Madax, aqoon yahan iyo waalidiintii madasha ka hadalay ayaa dhamaandood ardayda la wadaagay dardaaran iyo duco, iyagoo kula dardaarmay in ay ka fogaadaan Qishka, waxa kale oo ay ardayda xasuusiyeen in waxa ay imtixaanka ku galayaan yahay kaliya wixii ay soo dhigteen isla markaana