Madaxweynaha Nigeria ayaa cafis u fidiyay halgamaagii geeriyooday ee Ken Saro-Wiwa, 30 sanno ka dib markii uu xukun dil ah oo caalamka oo dhan ka yaabiyey lagu qaaday. Sanadkii 1995 ayaa la dilay Mr Saro-Wiwa iyo siddeed qof oo kale oo u ololaynayey, taliskii milateriga ee xilligaas ayaa dal-dalay.
Dad badan ayaa aaminsanaa in dhaqdhaqaaq Mr Saro-Wiwa lagu aamusiinayey mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday hawlgallada shirkadaha caalamiga ah ee saliidda, gaar ahaan Shell, oo ka hawl gelaysay dhulka qowmiyada Ogoniland ee uu ka soo jeeday Mr Saro-Wiwa. Shell ayaa in badan beenisay in ay wax lug ah ku leedahay dilka.
In kasta oo cafiska la soo dhaweeyay, haddana qaar ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa iyo qaraabada ayaa sheegaya in aanay joogin meeshii la rabay.
Sidoo kale cafiskii uu soo saaray Khamiistii, Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu waxa la socday maamuus qaran siiyay Mr Saro-Wiwa iyo ololayaashiisa, kuwaas oo loo yaqaanay Ogoni Nine.
Sagaalka nin oo kala ahaa – Mr Saro-Wiwa, Barinem Kiobel, John Kpuinen, Baribor Bera, Felix Nuate, Paul Levula, Saturday Dobee, Nordu Eawo iyo Daniel Gbokoo – ayaa ka mid ahaa daraasiin la guddoonsiiyay abaal-marinno maalinta Dimuqraadiyadda Nigeria ee sannadlaha ah.
Tinubu wuxuu sheegay in abaal-marintu ay aqoonsan yihiin “geesiyaal” sameeyay “wax ku darsiga muuqda” ee dimuqraadiyadda qaranka.
Iyaga oo ka jawaabaya cafiskii loo fidiyay Ogoni Sagaalka, kooxaha ololaha waxa ay sheegeen in ay jeclaan lahaayeen in dowladda ay qaado tillaabo dheeri ah.
Dhaqdhaqaaqa Badbaadinta Qoomiyada Ogoni (Mosop) oo ay horay u hogaamin jirtay Mr Saro-Wiwa ayaa cafiskaas ku tilmaamay mid geesinimo leh.
Si kastaba ha ahaatee, Mosop ayaa sidoo kale sheegay in cafiska uu ka dhigan yahay khalad la galay, halka xaqiiqdu noqotay in aanu wax dambi ah ma dhicin weligeed .
Haweenayda uu ka dhintay Mr Sero-wiwa, Barinem Kiobel ayaa muujisay sida ay ugu mahadcelineyso Tinubu sharafta qaranka, laakiin waxay ugu baaqday madaxweynaha inuu “si sax ah u caddeeyo ninkeeda iyo asxaabtiisa inay yihiin kuwo aan dambi lahayn” sababta oo ah “cafis ka waxa la siiyaa qof denbi galay”.
Waxay BBC-da u sheegtay in ay doonayso in dib loo eego maxkamadoodii.
Dhinaca kale, Amnesty International waxay sheegtay in cafis wax ka badan la sameeyo oo ay cadaaladda ay u baahan yihiin Ogooniga Sagaalka”.
Waa in wax badan la qabtaa si shirkadaha shidaalka lagula xisaabtamo waxyeelada deegaanka ee hadda ka jirta Nigeria, ayay hay’addu ku dartay.
Mr Saro-Wiwa, oo ka mid ahaa qorayaasha hormuudka ka ah dalka Nigeria, ayaa dadka Ogoni u horseeday bannaanbax nabadeed oo ay kaga soo horjeedaan Shell iyo shirkadaha kale ee shidaalka.
Mosop ayaa shirkaddan caalamiga ah ku eedaysay inay wasakhaysay dhulkii ay dadka deegaanku ku tiirsanaayeen noloshoodu.
Dowladda Nayjeeriya ayaa kaga jawaabtay si arxan darro ah oo ay ula dhaqmeen dibadbaxayaasha. Ogoni Sagaalka waxaa intaas ka dib maxkamad milatari oo sir ah ku heshay danbi ah dilka afar madax oo reer Ogoni ah.
Dilkooda ayaa cadho ka dhex dhaliyay beesha caalamka. Waxaa si weyn loo cambaareeyey dil sharci darro ah, waxayna noqotay astaanta caalamiga ah ee halganka lagaga soo horjeedo caddaalad-darrada iyo cabudhinta deegaanka.
Nayjeeriya ayaa sidaas darteed laga joojiyey xubinimadii wadamada Barwaaqo-sooranka.
Wixii markaas ka dambeeyay Shell waxa ay wajaheysay dacwado kala duwan oo ku saabsan shidaalka daadsan iyo waxyeelada deegaanka ee Niger Delta, oo ah gobolka koonfureed ee Ogoniland uu ka tirsan yahay.
Sannadkii 2021-kii maxkamad Nederland ah ayaa Shell ku xukuntay in ay magdhow ka bixiso beeralayda wasakheeyeen daadadkii qashinka kuwaas oo waxyeelo u geystay dhul-beereed, biyaha iyo kalluumaysiga ee gobolka Niger Delta oo Ogonigu degaan. Shirkaddu waxay ogolaatay inay bixiso lacag ka badan boqol milyan oo dollar. Hadda Dacwada oo dhamaystiran ayaa loo dejiyay 2026 in la qabto.