”Dadka Qaxootiga ah ee ku Sugan JSL Waa in ay Helaan Meel ay Degaan” Madaxwane Ku Xigeenka JSL

0
63

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa shalay magaalada Hargaysa kaga qaybgalay munaasibada xuska maalinta qaxootiga adduunka oo ay soo agaasintay Wasaaradda dib-u-dajinta iyo arrimaha Bani’adanimada, isaga oo sharraxay doorka xukuumaduhu ku leeyihiin dadka qaxootiga ah iyo noloshooda.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegay in xaaladda qaxootigu ay tahay mid ay keenaan duruufo adag oo ay ka mid yihiin colaadaha iyo dagaaladdu, sababta loo xusaana ay tahay in dadkaasi lala dareemo xaalada noloeed ee ay ku jiraan ee qoxootimada, waxa kale oo uu sheegay sida dawladuhu xil iskaga saaraan dadka magangalyo doonka ah ama dalalkooda ku soo barakacay, isla markaana ay u siiyaan waxyaabaha noloshu aanay ka maarmi karin ee ay ka midka yihiin Hoy, caafimaad, waxbarasho Cunno iyo sidoo kale waxyaabaha aas aaska u ah nolosha.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ”Markaan leenahay maalinta qoxootiga adduunku, waa muujin inaan la qabno dareenkooda, Qaxootiga qofku ma doorto ee duruuf baa keenta, cidda uu ku soo qaxay ee uu martida u yahayna waa in ay dareentaa oo ay intii ay tari karayso tartaa”.

Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi, Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegay sida Somaliland iyo dunidu ugu kala duwan yihiin dhinaca qoxoontiga, waxanu sheegay marka Somaliland la joogo in qaxootigu yihiin dad Barakacayaala, balse dunidu ay ka leedahay xoqootiga nidaam iyo xeerar, kuwaasi oo meela dajiyo, sidoo kalena dawladu ay masuuliyadooda qaadato, taasina ay tahay arrinta Somaliland ay kaga duwan tahay marka dunida loo eego.

Geesta kale Madaxwayne ku xigeenka ayaa u soo jeediyey Wasaaradda dib-u-dajinta iyo arimaha bani’aadanimada Somaliland, Ha’yaddaha Caalamiga ah iyo Hay’addaha maxaliga ah ee Somaliland ka hawlgala in ay ka shaqeeyaan sidii dadka barakacayaasha ee gobolada iyo degmooyinka Somaliland ku sugan loogu samayn lahaa dhul ay dagaan oo ay iyagu leeyihiin. Waxaanu yidhi Madaxwayne ku xigeenku “Waxaan leenahay in Hay’addaha Caalamiga ah, kuwa maxaliga ah iyo wasaaraddu-ba waa in ay ka qayb qaataan oo ay u sameeyaan dadka qaxootiga ah meel ay leeyihiin oo ay dagaan”