Hirgelinta Hannaan Maamul oo Hufan iyo Dhaqaale Xasiloon: Jihada Cusub ee Hogaaminta Madaxweyne Cirro

0
116

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa qaaday tallaabo geesinimo, isag aoo furay bog cusub oo ah hirgelinta hannan maamul oo hufan iyo suulinta musuqmaasuqa, taasoo ah jiho cusub oo Somaliland u horseedi karta marxalad horumarineed oo lagu hirto. Hadalladii uu jeediyay intii uu ku guda jiray kormeer rasmi ah oo uu ku tegay Wasaaradda Maaliyadda waxay ahaayeen kuwo ka tarjumaya go’aan siyaasadeed oo adag iyo ballanqaad dhab ah oo ku aaddan la dagaallanka musuqmaasuqa iyo hagaajinta maamulka dawladeed.

Maamul Hufan oo Casri ah:

Marka aynu falanqayno hadalka madaxweynaha JSL “xukuumaddaydu musuqmaasuqa uma dulqaadan doonto”, maaha hadal siyaasadeed oo kaliya, bale bilawga olole qaran iyo dariiq cusub oo lagu hagayo Somaliland oo la xidhidha isla xisaabtan dhab ah, daahfurnaan iyo maamul casri ah.

Somaliland oo ah dal aan wali helin aqoonsi caalami ah balse leh taariikh dheer oo dawladnimo, kana soo gudubtay jijaabada dimuqraadiyadeed, waxa xiliggan horyaalla caqabado ay ugu horreyso sidii loo dhisi lahaa kalsoonida shacabka Somaliland iyo mid caalami ah, taasoo aan suurta gal ahayn haddii aan la hagaajin hannaan maamul oo hufan.

Dhaqaale Xasiloon iyo Isbeddel la Taaban Karo

Ballanqaadka la xidhiidha horumarinta dhaqaalaha iyo xasiloonida miisaaniyadda qaranka ayaa ah mid lagu soo jiidan karo indhaha maal-gashadayaasha iyo hay’adaha deeq-bixiyeyaasha. Waa tallaabo la jaanqaadaysa baahida jirta ee xoojinta dakhliga gudaha, xakamaynta kootarabaanka, iyo dhisidda xeer shaqaale oo casri ah. Isku-darka arrimahaasi waxay Somaliland siin karaan fursad ay ku noqoto deegaan maalgashi oo soo jiidasho leh.

Wasaaradda Maaliyadda: Tiir ka mid ah Isbeddelka

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa u muuqata mid durba gashay wajiga hirgelinta isbeddelka. Kulankii toddobaadlaha ahaa uu hogaaminaysay Wasiiirka wasaaraddu, kaas oo lagu falanqeeyay yoolka fog (2024–2028), qorshayaasha dakhliga iyo la-dagaallanka kootarabaanka, wuxuu tusaale cad u yahay in maamulka wasaaraddu uu yahay mid firfircoon oo diyaar u ah isbeddel dhab ah.

Si kastaba ha ahaatee, hannaankan cusub ee Madaxweynaha Cirro soo bandhigay ayaa ah mid u baahan taageerada shacabka Somaliland iyo dhammaan laamaha dawladda, si uu noqdo mid guulaysta. Isku-duubni iyo iskaashi dhab ah ayaa ah fureyaasha lagu gaadhi karo horumar muuqda. Tallaabadan ayaa ah fursad ay Somaliland ku noqon karto waddan tusaale u noqda Afrika, muujiyana in isbeddel lagu gaadhi karo wacyi, hoggaan hufan, iyo karti dhab ah.

Gunaanad

Hadalka Madaxweyne Cirro waxa uu calaamad u yahay bilow cusub oo loogu talagalay in Somaliland ay kaga gudubto caqabadaha maamul-xumo iyo musuqmaasuq ee weli hor taagan horumarka dalka. Waa ballanqaad u baahan ficil degdeg ah, dabagal joogto ah, iyo taageero qaran. Haddii xukuumaddu si dhab ah u hirgeliso ga’aankan madaxweynaha, waxa aan ka filan karnaa Somaliland cusub, dal leh maamul hufan, dhaqaale xasiloon, iyo mustaqbal ifaya.