Iran waxay dib u bilaabi kartaa kobcinta uranium-ka bilo gudahood: madaxa IAEA

0
142

Iran ayaa laga yaabaa inay awood u yeelato inay dib u bilawdo kobcinta uranium-ka muddo bilo ah gudahood ah inkasta oo ay jiraan mowjado weeraro ah oo ay qaadeen Maraykanka iyo Israa’iil kuwaas oo lala beegsaday kaabayaasheeda Nukliyeerka, sida uu sheegay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka, Rafael Grossi.

Hadalkan ayaa yimid Sabtidii, maalmo ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku adkeystay in weeraradii bishan ay dib u dhigeen hammigii Nukliyeerka Iran “tobaneeyo sano”.

Isaga oo la hadlayay CBS News Sabtidii, agaasimaha guud ee Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah (IAEA) ayaa sheegay in iyada oo xarumaha muhiimka ah la garaacay, haddana qaarkood “Weli waa taagan yihiin”.

“Waxay heli karaan, dhowr bilood gudahood, waxaan dhihi lahaa, xitaa dhaqso ayey noqon karto ,” ayuu yidhi Grossi.

Waxa uu walaac ka muujiyay kaydka Iran ee 60 boqolkiiba uranium-ka la tayeeyay, wax yar ka hooseeya heerka hubka, kaas oo aragti ahaan soo saari kara wax ka badan sagaal bam oo Nukliyeer ah haddii la sii sifeeyo.

Waxa uu qiray in IAEA aanay garanayn in kaydkan la raray ka hor qaraxyada iyo in qayb ahaan la burburiyay. “Waa inay jirtaa, mar uun, caddayn,” ayuu yidhi.

Weerarada Israel ayaa bilowday 13-kii bishii June ee sanadkan iyada oo duqeymo ka geysatay xarumaha Nukliyeerka iyo militariga Iran.

Israa’iil ayaa sheegtay in weerarradan loo qorsheeyay in looga hortago in Iran ay sameysato hub nukliyeer ah, eedeynta Tehraan ayaa si joogto ah u beenisay. Maraykanka ayaa ku biiray weerarka maalmo ka dib, isaga oo garaacay saddex ka mid ah xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

Weerarada ka dib, sharci-dajiyayaasha Iran waxay u dhaqaaqeen inay hakiyaan wadashaqeyntii ay la lahaayeen IAEA waxayna diideen codsigii Grossi ee ahaa inuu kormeero xarumaha, oo ay ku jirto warshadda tayeynta dhulka hoostiisa ee Fordow.

“Waxaan u baahanahay inaan joogno meel aan ku xaqiijino waxa jira, meesha ay joogaan, iyo waxa dhacay,” ayuu yidhi Grossi.

Wasaaradda caafimaadka ee Iran ayaa sheegtay in ugu yaraan 627 qof oo rayid ah ay ku dhinteen guud ahaan dalka intii lagu jiray weerarka 12-ka maalmood ah ee sidoo kale lagu arkay 28 qof oo lagu dilay Israa’iil weerarro aargoosi ah oo ay Iran qaadday, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Israa’iil.