Sanadkii 1940 markii ay magaalda caasimadda Faransiiska Paris gacanta u gashay xukunkii naasiga ee Jarmlaka ayuu booqasho ku tegay hogaamiyihii Jarmalka ee Hitler. Hitelr markii uu gaadhay Paris wuxu booqday qabrigii Napoleon oo qarnigii 18 Yurub badankeeda ka talin jiray, isla markaana u dhashay Farance oo ahaa geesi laga baqo.
Hitler ayaa erayadan qabriga ka dul yidhi “ I samaax , geesi ayaad ahayde, laakiin maanta aniga ayaa jebiyay ciidankii dalkaaga. Waxase muhiim ah inaad ogaato in shacbigaagu ay mashquul ku ahaayeen tumasho, halka dadkaygu ay mashquul ku yihiin hubka iyo samayntiisa. Sababta Faransiiska loo qabsadayna ay noqotay dal tumashadu aad ugu badnayd isla markaana caan ku ahaa. Waxaana tani ay muujisay in bulshooyinka burburaan marka ay wakhtiga badankiisa ku qaataan Tumashada iyo dhaqanada xunxun