- Unugyadaa caalamka yaala waxa ugu badan Ogsjiiinta iyo nacasnimada. (M.T)
- In aan qof dareenkiisa runta ku dhaawaco aya ka fiican in aan been ku raaligeliyo. (MT)
- Qofka lagu sheegayaa waa carabkiisa, caqligiisa iyo waxa u uku hadlaayo, inta soo hadhay waa lafo iyo hilib. (SB)
- Bulshada tabarta daran akhlaaqdeeda ayaa xumaata. ( Ibnu Khalduun)
- Qofku marka uu nolosha fahmo ama wuu amusaa, ama waa uu qaylo bataa
- Calool madhan, jeeb faaruq ah, qalbi dhaawacani waxay ku bari karaan casharada nolosh ugu muhiimsa.
- Hadalka kaftanka ahi xaqiiqooyin badan ayuu xambaarsan yahay (Eniston)
- Noloshu waa sida riwayad aad tigidhkeeda goostay, haku cajibiso ama yaanu ku cajbin, kana noqosho ma leh, ka faaโiidayso.
- Nasiib xumaa qof wax kasta yaqaana laakiin aan Allah (sw) aqoonin.
- Marka aad saaxiibka lacag aamhinayso ogow macquulnimada inaad saaxiibka iyo lacagtaba waayo karto.
- Wax kasta dhabarka waan ku qaaday, laakiin ma arag wax ka culus daynta. ( Luq.Xakiim)