Gebagada Heesaha Murugada leh!

0
71

Bishii April 8, sanadkii 1994, heesaagii iyo muusi garaace aad caan u ahaa oo lagu magacaabi jiray Mr. Kurt Cobain, da’diisuna ahayd  27 sano ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaallay Washington.  Dhakhatiirta  ayaa cadaysay inuu dhintay 3 maalmood ka hor waxaana booliisku cadeeyeen in rasaasi madaxa kaga taallay.

Mr.Kurt ayaa samayn jiray oo uu qori jiray heesaha murugada ah.  Taageerayaashi iyo saaxiibadi ayaa u soo diri jiray waraaqo amaan ah , heesihiisa.

Laakiin markii danbe isaga laftiisa ayuu ku dhacay si rasmi ah xanuunka murugada iyo werwerka, isagoo caan ah oo dhaqaalihiisu aad u  sareeyo. Waxaana la geeyay xarun lagu dabiibo dadka isku buuqo ku dhaco.

Waxaana dadka yaab ku noqotay markii 5 April sanadkii 1994kii la sheegay inuu Kurt Cobain is dilay oo si iskiisa ah nafta isaga jaray.

Waxana la cadeeyay in heesihii murugada uu ku meteli jiray ee uu samayn jiray ay samayn wayn ku yeesheen noloshiisa isla markaana nacasiiyeen nolosha sare ee uu ku jiray.  Weliga weedhaha xun iyo sheekooyinka murugada shaqo haka dhigan. Eryadii waxa ka mid ahaa :” I hate myself and I want to die” “ waxan nacay naftayda waxaan rabaa inaan dhinto”.