Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka Hadashay Shaqaaqo ka Dhacday Degaanka Agabar

0
75

 

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in ay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhashaan wax la xallin karo oo wada-hadal lagu dhammayn karo. Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) ayaa ka hadlay shaqaaqo ka dhacday Deegaanka Agabar ee Gobolka Gabiley oo keentay khasaare dhimasho.

Wasiirudalaha arrimaha gudaha, ayaa intaa raaciyay in Xukuumadda Somaliland aaanay ahayn mid digteetar ah balse ay tahay xukuumad ku timi codka shacabka isla markaana diyaar u ah in ay dadkeeda dhegaysato waxna ka qabato tabashooyinka ay bulshadu qabto. Waxaanu intaa raaciyay in aan la aqbali Karin in qofku sharciga gacantiisa ku fushado.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan tacsi u dirayaa dadkii ay ka geeriyoodeen labadii Marxuum ee ku geeriyooday deegaanka Agabar, dadkoodii ALLE samir iyo iimaan ha ka siiyo.may ahayn inay inagga geeriyoodaan, laakiin saacadooda ayaa qornayd, cid kasta oo wax tabata waxa wanaagsan in ay soo marto qaynuunka iyo sharciga, qofna in aanu sharciga gacantiisa ku qaadan waaye.”

Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) ayaa sidoo kale baaq u diray bulshada reer Somaliland, isaga oo sheegay in aan la aqbali Karin in sharciga gacmaha lagu qaato, waxaanu yidhi “Waxaan shacabka Somaliland u sheegayaa in aan la aqbali karin in sharciga qof gacantiisa ku qaato.Xukuumadaani maaha Mid digtaytar ah waxa lagu doortay codka shacabka,dadka Somaliland waxay xaq u leeyihiin wixii ay tabanayaan in loo dhameeyo si cadaaladi ku jirto.waa ayaan darro in dad inagaga dhintaan wax la xalin karo ama Ciidamada wax ku yeelaan ama dad ku dhintaan,Xukuumaddu waxay masuul ka tahay askarta iyo shacabka ma,qabno in si dheel dheel ah ay inooga dhintaan.”