Qore Daahir Cabdi Ciise. (Camey)
Dunida maanta ee isu furaysa iskaashi, amni, iyo horumar, ma jiro waddan si dhab ah u kobci kara haddii uu cidlo iska taagnaado. Xidhiidhka caalamiga ahi waa laf dhabarta dawladnimada casriga ah. Dal kasta oo doonaya in lagu tixgeliyo masraxa caalamka, waa in uu noqdaa mid joogto uga dhex muuqda miisaska go’aan qaadashada, ugana qayb qaata doodaha lagu hagayo jihada mustaqbalka adduunka.
Jamhuuriyadda Somaliland, oo ku fadhida dhul la yaqaan, dad is raacsan, iyo dawlad shaqeysa, waxay muddada soddonka sano ah ku samaysay horumar dhif iyo naadir ah dimuqraadiyad laga hirgeliyey xaalad adag, amni waara oo lagu naaloonayo, iyo nidaam doorashooyin xor ah oo lagu xulanayo madaxda dalka. Waxa se weli hortaalla caqabadda aqoonsiga caalamiga ah, taasoo si aan waqti dambe ah loo lumin, looga baahan yahay in la wajaho si miisaaniyad leh oo diblomaasiyad daacad ahi hagayso.
Somaliland maanta waxay wajahaysaa in ka badan 190 waddan oo xubno ka ah Qaramada Midoobay kuwaas oo ay tahay in mid walba la gaadhsiiyo qadiyadda Somaliland. Marka laga reebo maamulka liita ee Muqdisho oo aan wali ka bixin wareegga burburka hay’adaha iyo xasillooni la’aanta, waddamada kale waxay u furanyihiin inay dhagaystaan, fahmaan, oo qiimeeyaan xaqa Somaliland.
Sidaas darteed, miis walba waa fursad, waxaanay waajib ina saaran tahay in aynu si xikmadaysan u dul saarno qadiyaddeena hadal iyo hawlba. Somaliland uma baahna inay cidna hoos u jeesato; waxay u baahan tahay inay codkeeda mideyso, aragti fog la timaaddo, oo ay si joogto ah ugu sheegto dunida waxa ay tahay iyo sababta ay u mudan tahay in lagu aqoonsado dawlad buuxda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu si geesinimo leh u galay wejigii cusub ee diblomaasiyadda Somaliland. Socdaalkiisii taariikhiga ahaa ee dalka Qatar waxa uu u furay Somaliland albaab cusub oo ay hore u waayi jirtay. Kulamadii uu la yeeshay madaxda ugu sarraysa Qatar sida Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirrada Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda, iyo hay’adaha horumarineed waxay caddeeyeen in Somaliland tahay dal lala hadli karo, lala xaajoon karo, lagana faa’iidaysan karo fursadaha maalgashi ee ka banaan
Arrintaasi waxa ay ka dhigaysaa in marka albaab Qatar furmo, ay suurtagal tahay in dalal kale oo badan la saaxiibaan Somaliland. Kulanka kale ee dhex maray Wasiiru-dawlaha Qatar iyo Senatorkii muddada dheer u ololeynayey Somaliland, Senator Jim Risch, ee ka dhacay Washington, waxa uu xambaarsanaa farriin kale: in qadiyaddeenna ay mareyso miisyo heer caalami ah, oo ay fursado cusub kaga bannaan yihiin halgankii aqoonsiga.
Tusaalaha Taiwan dal aan si rasmi ah loo aqoonsan balse dunidu ula macaamisho si rasmi ah, xitaa marka laga reebo Qaramada Midoobay wuxuu na tusayaa in dawladnimo lagu kasban karo sumcad, kalsoonida shacbiga, iyo xidhiidh wax ku ool ah oo dunida lala yeesho. Taiwan ma sugin aqoonsi, balse way horumartay. Somaliland na waa in ay dariiqaas la mid ah ku socotaa dareen dawladnimo oo dhab ah, xiriir diblomaasi oo maskax furan, iyo hal-adayg siyaasadeed oo aan gilgashan.
Maanta, xaaladdu waxay taagan tahay halkii aan si buuxda uga faa’iideysan lahayn dareenka wanaagsan ee laga muujinayo Somaliland. Waa in aynaan lumin wakhti, waana in codkeenu noqdaa mid mideysan oo aan ku hadalno luqad dunida fahmi karto: luqadda maslaxad wadaag, horumar, amni, iyo iskaashi togan.
Ugu dambeyntii,
halganka Somaliland waa mid sal adag ku leh rabitaanka dadkeeda, kuna fidsan dulqaad iyo dedaal aan kala go’ lahayn. Maanta, miis walba oo caalami ah waa madal aynu kaga dhawaanno aqoonsi buuxa. Haddaan si maskax furan u wajahno, oo aynaan ka caajisin, fursadaha furmaya waxa ay noqon karaan kuwo halis beddela. Dunidu waay aragtay Somaliland hadda waa waqtigii aynu ku qasbi lahayn inay dhegaysato.
Daahir Cabdi Ciise.




















