Koox shaqaalaha dakhligoodu hooseeya oo ka koobnaa 7 xubnood kana hawlgelayay goob tuulada ka durugsan ayaa dameer wada iibsaday iyagoo maalinba midkood ku rawaxi jiray, lixda Kalena inta waa ay lugayn jireen. Sidaasi ayay kaltan ugu samaysteen.
Maalin danbe ayay goosteen inay tijaabiyaan in dameerku wada qaadi dhamaantood, iskana daayaan in maalinba mid gaar u ahaado. Markii ay dhamaantood wada fuuleen Dameerki waa socday laakiin isagoon meel fogba gaadhin ayuu dhacay oo laba lugood ka jabay. Halkaasi ayay ku khasaareen oo kuwaayeen Dameerkii oo maalinba midkood ka faa’idaysan jiray.
Haddii aad rabto inaad wax badan hal mar keliya wada qabato, waxaad waayaysa wax kasta oo qaban kari lahayd haddii aad marba mid samayso. Adkaysi, dulqaad iyo kala dambayn ayaa guusha keena.






















