Horumarka ka Socda Gobolka Selel iyo Mashaariicda ay Xukuumadu ka Hir-gelinayso Gobolkaas

0
298

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Selel, Mudane Cabdi Siciid Faahiye, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay dadaallada horumarineed ee xukuumadda waxqabad iyo wadajir ay ka waddo gobolka, gaar ahaan mashruuca dhismaha jidka isku xidhaya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jabuuti iyo dhismaha Dekedda Lughaya, kuwaas oo la filayo in ay yeeshaan saamayn togan oo dhaqaale, bulsho, iyo mid amni.

Guddoomiyaha gobolka Selel, Mudane Cabdi Siciid Faahiye, oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Dawan ayaa sheegay in Dekedda cusub ee magaalada Lughaya ay qayb ka tahay dedaaladda xukuumadda ee diiradda lagu saarayo arrimaha horumarineed ee gobolka Selel, isla markaana ay noqon doonto meel laga dhoofiyo khayraadka Milixda ee gobolku qaniga ku yahay. Tallaabadaas oo xukuumadda Somaliland ku doonayso in ay kor ugu qaaddo koboca dhaqaalaha gobolka iyo guud ahaan dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Selel Cabdi Siciid Faahiye oo ka hadlay arrimaha horumarka gobolka ayaa yidhi “Xukuumaddu waxay hadda u jihaysatay dhinaca horumarka, Xukuumaddu waxay hadda ku hawllantahay hirgelinta jidkii isku xidhayay Jabuuti iyo Somaliland. Mashruucaasi waxa uu noqon doonaa mashruuc ay si weyn uga faa’iidaystaan bulshada Somaliland, shirkado shaqo-abuur sameeya ayaana ka hawlgeli doona, waxaanu noqon doonaa mashruuc dhaxal la taaban karo umadda u reebi.”

Guddoomiyaha Gobolka Selel waxa kale oo uu sheegay in mashruucan dhismaha jidkan ay weheliyaan mashaariico kale oo badan oo lagu horumarinayo adeegyada asaasiga ah ee ay ka midka yihiin waxbarashada iyo iskuulada, xarumaha caafimaadka iyo biyaha. Waxaanu yidhi Gobolku xagga horumarka ayuu u jihaystay, mashaariico badan oo waxtar leh ayaa jira oo dad badani ka hawlgeli doonaan, shirkado badan ayaa imanayo oo shaqo-abuur u noqon doonaan bulshada gobolka. Sannadka dambe weji fiican ayuu yeelan doona gobolku, adeegyo lagu kabayo dhanka horumarka sida Iskuullo, goobo caafimaad iyo biyo-balleh ayaa la socda mashruucan dhismaha jidkan”

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu bulshada ku dhaqan deegaannada uu jidkani marayo ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan shirkadda fulinaysa mashruuca dhismaha jidkan muhiimadda weyn u leh deegaanka, waxaanu yidhi “Dadka deggan dhulka uu jidkani mari doono, waxaan leeyahay, si wacan ula shaqeeya Kambaniyada ka shaqaynaya dhismahani. Sababta oo ah wixii shaqaale ah ee loo baahan yahay meesha laga qaadanayaa waa deegaannada uu jidkani marayo oo iyagu ka faa’iidayaan doona, markaa waxaan leeahay soo wada dhaweeya.”

Guddoomiyaha gobolka Selel, Mudane Cabdi Siciid Faahiye oo ka hadlayay faa’iiidada iyo muhiimadda dhismaha dekedda Lughaya u leeyahay gobola Selel iyo guud ahaan Somaliland, kaas oo la filayo in uu kaalin weyn ka qaato in gacansatada Milixda ee gobolku ay si fudud wax-soo-saarkooda u gaadhsiiyaan suuqyada caalamka, waxaanu yidhi “Dhismaha dekedda Lughaya waxa loogu talagalay inay ganacsatada Milixda ee deegaanka Toqoshi ay ka dhoofiyaan Milixda. Sidoo kale, dekeddu waxay noqon doontaa marin laga dhoofiyo xoolaha nool ee gobolka iyo dalkuba qaniga ku yahay, taas oo ah khayraad uu gobolka iyo guud ahaan dalku ba ku faano.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xukuumadda Somaliland ay si weyn u xoojisay amniga gobolka iyo dhaqdhaqaaqyada xuduudda labada dalka, waxaanu yidhi “Gobolka amnigiisu wuu wanaagsan yahay. Wakhtigii Xaggaaga ayaanu hadda galnay, waxaana jira dad badan oo ka soo xaggaa baxaya Jabuuti. Maalintii celcelis ahaan ku dhowaad kun qof ayaa xadka ka gudba. Ciidamada booliska iyo milateriga si adag ayay uga shaqeeyaan sugidda amniga iyo badqabka dadka safarka ku jira.”

Guddoomiyaha gobolka Selel, Mudane Cabdi Siciid Faahiye, sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddu ay ka waddo gobolka dedaalo la xidhiidha taakulaynta dadka safarka ah iyo wacyigelin lagu xoojinayo isku xidhnaanta iskaashatooyinka gaadiidka , iyada oo la tixgelinayo xaaladda kulul ee xilliga xaggaaga iyo dadka ka soo gudbaya xadka Jabuuti ee u socda Somaliland.

“Iskaashatooyinka gaadiidka ayaanu wacyigelin siinaa. Gaadhi haddii uu ka jabo, gaadhi kale ayaa loo keenaa. Shanta galabnimo wixii ka danbeeya ayuun baa xaggeena laga soo baxaa. Goobaha dadka la sii marinayaaan waa Ceel-gaal, Laagta Morohda, Geerisa, Bariisle iyo degaannada kale ee biyuhu yaallaan, iyada oo dadka safarka ah lala eeganayo deegaanadaas biyaha leh,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdi Siciid Faahiye.

Wuxuu intaas ku daray in amniga gobolka si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada booliska iyo milaterigu ay si buuxda uga hawlgalaan dhammaan deegaannada muhiimka ah ee gobolka, si dadka safarka ah loo ilaaliyo, waxaanu yidhi “Ciidamadii booliska iyo milateriguba way joogaan. Meel kasta ciidamadeennu way joogaan. Dadka safarka ah mmnigooda iyo nabadgelyada ay ku safrayaan xil weyn ayaanu iska saarnay oo aad iyo aad ayaanu u ilaalinna”.