Wasaaradda caafimaadka JSLL Dhammaystirka Barnaamijka Caafimaadka iyo nafaqeynta

0
128

 

Xubinta kowaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku sooqaadan doona wasaaradda caafimaadka JSL, oo soo afmeertay shirka isku dubairka barnaamijka caafimaadka iyo nafaqeynta. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa si rasmi ah u soo gunaanaday Shirka Isku-dubbaridka Barnaamijyada Caafimaadka iyo Nafaqada, kaasi oo wakhti dheer socday isla markaana lagu falanqeeyey arrimo muhiim ah oo la xidhiidha horumarinta adeegyada caafimaadka iyo nafaqada ee dalka.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay hay’adaha kala duwan ee la shaqeeya Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka lixdii bilood ee la soo dhaafay, caqabadaha haysta fulinta barnaamijyada, iyo qorshayaasha cusub ee lixda bilood ee soo socota.  Mudadii shirkani socday waxaa lagu lafa-gurey dood furan oo lagu iftiimiyay baahiyaha jira iyo sida ugu habboon ee loo wajihi karo.

Waxaa sidoo kale madasha hadal dhiirrigelin ah ka jeedisay wasiir Ku-xigeenka wasaaradda, Marwo Samsam Maxamed Saalax, oo u mahadcelisay hay’adaha kala duwan ee la shaqeeya wasaaradda, iyadoo ku boorrisay in ay si buuxda ula jaanqaadaan qorshayaasha iyo siyaasadaha wasaaradda.

Doodan waxa sigaara diirada loogu saarey muhiimadda ay leedahay in barnaamijyada lagu saleeyo baahida dhabta ah ee bulshada iyo in la gaadhsiiyo adeegyada caafimaad cid kasta oo u baahan.

Gaba-gabadii, wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Mudane  Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa si rasmi ah u soo xidhay shirka, isaga oo uga mahadceliyay ka qaybgalayaashii sida hagar la’aanta ah uga soo qaybgalay iyo sidii quruxda badnayd ee ay u soo bandhigeen waxqabadkooda lixdii bilood ee la soo dhaafay, caqabadaha ay la kulmeen, iyo himilooyinka cusub ee lixda bilood ee soo socda.

Wasiirku waxa uu sheegay in natiijooyinka kasoo baxay shirka ay noqon doonaan kuwo saldhig u noqda horumarinta adeegyada caafimaadka iyo nafaqada ee dalka.