Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa ku dhawaaqday in ciidamada ammaanka gudaha ee gobolka Tartous ay fashiliyeen “qorshe argagixiso” oo la doonayay in lagu duqeeyo Kaniisadda Maronite ee St. Elias oo ku taal tuulada Al-Kharibat deegaanka Safita ee gobolka Tartous ee xeebta. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya ayaa daabacday sawirro muujinaya helitaanka “qalabka qarxa iyo waraaqo ay ku qoran yihiin weedho hanjabaad iyo cabsi gelin ah, oo ay qabteen Ciidanka Gaarka.
Ciidanka ayaa qaaday howlgal weerarro gaadmo ah oo si wanaagsan loo qorsheeyay oo lala beegsaday unug argagixiso oo lala xidhiidhiyay hadhaagii taliskii hore.”
Wasaaraddu waxay daabacday sawirrada “xubnaha unugga” ee ku lug lahaa isku daygii weerarka ee kaniisadda Tartous. Waxa ay sheegtay in labadaasi nin ay sii xiidhnaan doonaan inta ay baadhitaano dheeraad ah ku sameynayaan, isla markaana loo gudbinayo Garsoorka.






















