Iran oo Del-deshay Basaas Bixiyay Xogta Saynisyahanno la Dilay

0
254

Iran ayaa sheegtay inay dil toogasho ah ku fulisay nin lagu helay inuu u basaasayay Israel. Mas’uuliyiinta dalka dalka Iran  ayaa sheegay, in Roozbeh Vadi, uu gudbiyay xogta ku saabsan saynisyahan nukliyeer  oo lagu dilay weerarradii Israa’iil ay ka geysatay dalkaas bishii June.

Saraakiisha ayaa sheegay, in ninkaasi uu gudbiyay xog sir ah ka dib markii qaab online ah looga shaqaaleysiiyay Mossad, oo ah hay’adda sirdoonka Israel.

Ka dib dagaalkii socday 12 maalmood bishii June, Tahraan waxa ay wacad ku martay in maxkamadayn degdeg ah la marsiin doono kuwa la xidhay ee lagu tuhunsan yahay in ay la shaqaynayeen Israa’iil.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Iran ay toogatay in ka badan lix boqol oo qof qeybtii hore ee sanadkan, in ka badan laba jibaar isla muddadaas sannadkii hore.