Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo Dhiiri-gelisay Naas-nuujinjta iyo Joojinta Caanaha Daasadaha

0
491

Xubinta kowaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, Marwo Samsam Maxamed Saalax, ayaa hooyooyinka reer Somaliland, ku boorrisay in ay si toos ah naas ugu nuujiyaan carruurtooda, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in aanay jirin caano kale oo u dhigma ama beddeli kara caanaha naaska hooyada.

Waxaaney tidhi.“Ilmaha caanaha naaska hooyada caba wuu ka maskax fiican yahay ilmaha aan cabin.

Caanaha hooyada waa nimco ALLE inagu galladay, waana amaano aynu ilaalinteeda u leenahay.

Ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay in hooyadiis siiso naas, sida uu Quraanku inoo sheegay  gaar ahaan Suuratul Baqara, Aayadda 233,”

Marwo Samsam waxay sidoo kale shaacisay qorshe ay wasaaraddu wado, oo ah in cashuur culus la saaro ganacsatada dalka keenta caanaha budada ah ee carruurta la siiyo.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in qorshahani la horgeyn doono golayaasha sharci dejinta si loo sameeyo xeer lagu xakameeyo suuq-geynta caanaha budada ah ee beddela naasnuujinta.

Waxaaney tidhi.“Dekedda Berbera waxaanu ku fadhiisan doonaa, waxaanu bilaabi doonaa in lacag culus la saaro ciddii caano-budada keenaysa, sababtoo ah waxay dhaawacayaan caafimaadka carruurteena,”

Wasiir ku-xigeenku waxay tilmaantay in xayeysiisyada caanaha budada ah (Caana Boodhaha), lagu muujiyo ilma buuran oo la sheegayo inuu caafimaad qabo, taasoo ay sheegtay in ay tahay marin habaabin.

Waxaaney tidhi.“Xayeysiisyada noocaas ah waxay la mid yihiin xayeysiinta sigaarka sida loogu qoro ‘wuxuu u xun yahay caafimaadkaaga’, waa in sidoo kale dusha caanaha budada lagu qoro in aysan jirin wax beddeli kara caanaha naaska hooyada.”

Wasiir ku-xigeenku waxay xustay in naas-nuujintu ay si weyn hoos ugu dhigi karto dhimashada carruurta, sida laga soo xigtay daraasado caalami ah, haddii la badiyo naasnuujinta:

“Sannadkii waxa aynu badbaadin karnaa 823000 carruura dhimashadooda haddii aynu naas-nuujin u sameyno

Macaanka caruurta ku dhaca xataa ka hortag ayay u yihiin caanaha naaska hooyadu.” Barnaamijkan wacyigelinta caafimaad ee ay hoggaaminayso Wasaaradda Caafimaadku wuxuu si toos ah u taabanayaa masiirka caafimaad ee jiilka soo koraya.

Wasiir Samsam waxay ku adkaysay in hooyo kasta masuuliyad ka saaran tahay naas-nuujinta ilmaheeda

“Bulshada iyo dowladduna iska kaashadaan joojinta ku tiirsanaanta caanaha budada la abuuro sharciyo iyo awaamiir lagu difaacayo caafimaadka carruurta”

Wasiir Samsam, waxa ay caddeysay in Naas-nuujintu tahay  hadiyadda ugu qiimaha badan ee lasiiyo ilmaha, difaac caafimaad, nafaqo, jacayl dabiici ah, iyo badbaado.