Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo kormeer shaqo ku Maray Gobollada Bariga iyo Gobolka Saaxil

0
497

 

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa socdaal shaqo ku tagay  gobollada Bariga dalka, iyaga oo si gaar ah u soo gaadhay gobolka Saaxil, halkaas oo ay kormeero muhiim ah ku sameeyeen  xarumaha caafimaadka iyo cusbitaalada  ku yaalla deegaannada gobolka.

Kormeerkan ayaa ahaa mid lagu qiimeynayay xaalada adeegbixinta caafimaadka, waxaaney wasiirka iyo weftigiisu booqdeen, cisbitaalka degmada Sheekh, xaunta hooyada iyo dhallaanka ee Kala-sharka, xarunta dhexe e hooyada iyo dhallaanka degmada Sheekh

Wasiirka iyo wafdigiisu waxay kulamo gaar ah la yeesheen  maamulka iyo shaqaalaha xarumahan, si ay si toos ah xog uga helaan xaaladda adeegyada, caqabadaha jira, iyo fursadaha horumarineed ee ka dhaxeeya.

Dr. Xuseen Bashiir wuxuu si gaar ah ugu mahaceliyay shaqaalaha caafimaadka dadaalka ay ugu jiraan u adeegidda bulshada, isagoo tilmaamay in wasaaradda ka go’an tahay tayeynta iyo gaadhsiinta adeegyada caafimaadka meel kasta oo uu muwaadinku joogo, gaar ahaan deegaannada baahiyaha gaarka ah qaba.

Sidoo kale wasiirka ayaa booqday Cisbitaalka guud ee Berbera, kadib markii halkaasi laga soo gaadhsiiyey dhaawacyo iyo dhimasho ka dhashay shil baabuur  oo ka dhacay gudaha magaalada Berbera.

Wasiirku wuxuu si toos ah u indha-indheeyay xaaladda dhaawacyada, wuxuuna la hadlay  shaqaalaha caafimaadka, isagoo bogaadiyey sida  degdegga ah ee ay gurmadka u fidiyeen, waxa uu sidoo kale tacsi u diray  qoyska iyo qaraabada ay ka baxeen dadka ku dhintey shilkaasi,  isagoo u rajeeyay dhammaan dhaawacyada in ILLAAHEY u boogadhayo caafimaad taamana siiyo.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey in shaqaalaha caafimaadku yihiin laf-dhabarta u taagan u adeegidda bulshada, wuxuuna xusay in wasaaradda Caafimaadku mar walba diyaar u tahay taageeridda xarumaha caafimaad iyo shaqaalaha, si bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan u helaan adeeg caafimaad oo hufan, degdeg ah, oo tayo leh.

Wuxuu kula dardaarmay shaqaalaha caafimaadka in ay sii xoojiyaan adeegyada gurmadka degdegga ah (emergency services) si loo xaqiijiyo in naf kasta oo bukaan ah helo daryeel ku habboon waqtigii loo baahnaa.

Socdaalkan uu wasiirka Caafimaadku ku tegay gobollada Bariga iyo Saaxil ayaa qayb ka ah barnaamij ballaadhan oo lagu qiimeynayo tayada iyo baahida xarumaha caafimaad ee dalka,  si loo hagaajiyo adeegyada caafimaadka ee la heli karo, la tayeeyo xarumaha hoose iyo kuwa dhexe, loo dhiirigeliyo shaqaalaha caafimaadka, looga hortago xaaladaha deg dega ah sida shilalka

Wasaaradda Caafimaadku waxay ballan qaaday in  adeegyada caafimaad ee dalka la gaadhsiin doono haanan hufan iyadoo loo marayo  kormeero joogto ah, taageero farsamo, iyo wacyigelin bulsho