Israa’iil oo malaayiin doollar oo maamulka Falastiin leeyahay siisay Kooxo la Shaqeeya

0
290

Israa’iil ayaa ku dhawaad 32 milyan oo doolar oo aheyd dakhliga canshuuraha ee la siin lahaa maamulka Falastiin u wareejisay 52 Falastiiniyiin ah oo la shaqeeyay militerigooda sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray kanaalka 7.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in tani ay timid kaddib markii “shaqsiyaadkaas ay magdhow ahaan u siisay maxkamadda ku taal Quddus”.

Tv-ga wuxuu sheegay in lacagta la bixiyay ka dib wax lagu sheegay dagaal dheer oo dhanka sharciga ah. Kuwa lacagta la siiyay ayaa la sheegay in “jidhdil” loogu geystay xabsiyada maamulka Falastiin, sida la sheegayna waxaa ka mid ahaa waxyaabaha loo geystay garaacid, in lagu gubo walxo kulul, ilko-ka-saarid iyo hurdada oo loo diido. Maamulka Falastiin weli wax jawaab ah kama bixin eedaha loo soo jeediyay.

Heshiiskii lagu gaadhay Paris sanadkii 1994-tii ayaa Israa’iil siiyay in ay wakiil uga noqoto maamulka Falastiin qaadista iyo ururinta canshuuraha kastamada. Arrintan waxay siisay Israa’iil in ay yeelato awood ay ku maamusho xaduudaha dhulka Falastiin.