Mushaharka Ay Qaadan Doonaan Laacibiinta Gyökeres Iyo Sesko Oo La Soo Bandhigay

0
363

Sida uu ku warramay UK Mirror, weeraryahanka cusub ee Manchester United, Benjamin Sesko, ayaa qaadan doona mushahar ka hooseeya kan Viktor Gyökeres ee Arsenal. Sesko ayaa diiday mushahar waalli ah oo ay Newcastle United u soo bandhigtay, si uu ugu biiro Manchester United. Red Devils ayaa RB Leipzig farta ka saartay £66.4 milyan oo lagu daray £7.6 milyan oo gunnooyin ah, taasoo wadarta gaarsiisay ilaa £74 milyan, si ay u helaan weeraryahanka 22 jirka ah. Sesko ayaa saxeexay heshiis shan sano ah, wuxuuna usbuucii qaadan doonaa ku dhowaad £160,000 – taasoo sanadkii ka dhigaysa in ka badan £8.3 milyan. Dhanka kale, Gyökeres ayaa bishii Luulyo kaga soo biiray Arsenal kooxda Sporting Lisbon, heshiis ku kacay £64 milyan. Weeraryahanka 27 jirka ah ayaa isna saxeexay heshiis shan sano ah, isagoo usbuucii qaadanaya £200,000, taasoo sanadkii ka dhigaysa £10.4 milyan, ka hor inta aan lagu darin gunnooyinka. Labada weeraryahan ayaa la filayaa inay iska hor yimaadaan Axadda, marka Arsenal iyo Manchester United ay wada ciyaarayaan kulankooda ugu horreeya ee horyaalka xilli ciyaareedka cusub.