Madaxweynaha Somaliland ayaa Dhagax-dhigey Cisbitaal Casri ah oo laga dhisayo Magaalada Burco

0
412

Xubinta kowaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa   si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuc caafimaad oo taariikhi ah oo laga hirgelinayo magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Cisbitaalkan cusub oo noqon doona mid casri ah oo leh takhasusyo badan, ayaa noqonaya mid ka mid ah mashaariicda ugu waa weyn ee dhinaca caafimaadka ee abid laga hirgeliyo Somaliland, tan iyo sanadkii 1960-kii.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cisbitaalkan uu si weyn u dabooli doono baahiyaha caafimaad ee shacabka, isla markaana uu ka mid noqon doono astaamaha horumarka gobolka Togdheer.

Mashruucan caafimaad waxa maalgelinaysa dawladda Imaaraatka Carabta, iyadoo uu hormuud u yahay Sheekh Maxamed Bin Salmaan Al Nahyaan.

Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi,  ayaa uga mahadceliyay taageeradaas, isagoo sidoo kale boggaadiyay ciidanka booliska gobolka Togdheer oo fududeeyay goobta laga dhisayo cisbitaalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in mashruucani uu xambaarsan yahay rajo weyn, isaga oo sheegay in cisbitaalkaasi uu noqon doono kii ugu weynaa ee Somaliland laga dhiso muddo ka badan 60 sano, waxa uu tilmaamay in dhismaha cisbitaalka uu qayb ka noqon doono dadaallada xukuumaddu ugu jirto horumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, biyaha iyo korontada.

Waxaanu yidhi.“Mashruucani waxa uu ka mid noqon doona mashaariicda ka hirgelaya gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco.

Mashruucan waxa hirgelinaysa dowlada Imaaraatka, gaar ahaan magaalada Imaaraatka, Sheekh Maxamed Bin Salmaan Al Nahyaan, waynu uga mahadcelineyna.

Ciidanka booliska ee gobolka Togdheer, waxa aynu uga mahadnaqayna inay nagu soo dhaweeyeen taliskoodii islamarkaana ay ogolaadaan in cisbitaalkan laga dhiso.

Mashruucani waxa uu noqon doona Mashruuci caafimaad ee ugu balaadhna ee laga dhiso Somaliland ilaa 1960-kii, cisbitaalka guud ee aynu ku faana waaka Hargeysa, wax lagu kordhiyayna majirto, imika Ayaan dhakhtar kale oo weyn dhexdiisa ka dhisi doona, magaalada Burco, waxaanu ka qaban doona adeegyada bulshada taabanaya in aanu wax ka qabano, oo ay ugu horeeyaan biyaha iyo laydhka,”