Dawan Staffe
Hargeysa (Dawan) Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Jamhuuriaydda Somaliland ayaa si cad u iclaamiyay dagaal adag oo ay xukuumadda Somaliland kaga hortagayso musuqmaasuqa iyo wax is-daba-marin, isagoo tilmaamay in qof kasta oo lagu helo falal noocaas ah sharciga la horgeyn doono garsoorka.
Mudane Muuse Yuusuf Cismaan (Idigaa) ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ee lagu xaqiijinayo hufnaanta maamulka, isla xisaabtanka, iyo ilaalinta hantida qaranka. Waxa uu xusay in dacwadaha iyo baadhitaannada musuqmaasuqa ay si hufan u hirgelin doonaan si qof kasta oo danbi galay loogu qaado sharciga.
Hanti-dhawraha guud wuxuu caddeeyay in dhaqankii hore ee lagu qarin jiray kiisaska musuqmaasuqa ay meesha ka baxeen, isla markaana hadda mas’uul kasta oo lagu helo xadgudub sharciga ah, cid kasta oo uu yahay lagu horgeyn doono sharciga si hufan oo la baahinayo.
Mudane Muuse Yuusuf Cismaan ayaa intaa ku daray: “Dowladda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee Wadajir iyo Waxqabad, waxa ka go’an in si adag loola dagaalamo musuqmaasuqa, shaqaduna way socotaa. Masuul kasta oo lagu helo xadgudub sharciga ah waxaa si cad loogu qaadi doonaa tallaabo sharci ee ku habboon.”
Hanti-dhawraha guud wuxuu sidoo kale caddeeyay in howsha baadhista iyo dacwadaha ay sii socon doonaan, si loo xoojiyo isla xisaabtanka iyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha qaranka. Sidoo kale waxa uu caddeeyay in dhaqankii hore ee lagu qarin jiray kiisaska musuqmaasuqa ay meesha ka baxeen, islamarkaana hadda mas’uul kasta oo lagu helo falalka noocaas ah lagu horgeyn doono sharciga si cad oo la baahinayo.






















